Warar la xiriira feyruska corona

2020-05-19 N21

Waa OK guryaha carruurtu xilliga xagaaga degaan


Waa muhiim in carruurtu inta ugu dheer ee suurta gal ah ay u sii wataan nashaadaadkooda caadiga ah. Sidaas darteed ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu oggoshahay guryaha ay carruurtu xilliga xagaaga degaan, haddii kooxo yaryar loogu qabanayo meelo hoygooda u dhaw.


Cidda meesha hawshu ka socoto mas’uulka ka ah waa in ay hubisaa in la yareeyo khatarta faafitaanka cudurka corona ee covid-19. Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay soo saartay wax khatarta lagu qiimeeyo oo gacan ka geysanaya in la garto tallaabooyinka taxaddiridda ee loo baahanyahay.


Tababarrada iyo nashaadaadka waa in tusaale ahaan lagu qabtaa dhismooyinka gudohooda. Waxaa xitaa fiican in masaafo loo kala dhexeysiiyo meelaha la seexdo iyo meelaha cuntada lagu cuno.


Waa muhiim in carruurtu ay guriga joogaan haddii ay xanuunsad-aan, xitaa haddii ay calaamado cudur oo khafiif ahi leeyihiin. Haddii waqtigaas gudihiisa ay cidi xanuunsato waa in la awoodi karo in guriga la soo aado.

2020-05-14 N20

Xukuumaddu waa ay dheereysay mamnuucidda soo gelitaanka Iswiidhan


Si loo yareeyo saameynta faafitaanka feyruska corona ayey xukuumaddu u dheereysay mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka waddanka ilaa iyo 15 Juun.


Mamnuucidda ku meel gaarka ah ee soo gelitaanka Iswiidhan waxay billaabatay in ay dhaqan gasho 19 Maarso, hal mar ayaana horay loo dheereeyay. Khamiisti ayuu ra'iisulwasaare Stefan Löfven sheegay in xukuumaddu ay mar kale dheereysay mamnuucidda soo gelitaanka Iswiidhan, ilaa iyo 15 Juun. Go’aanka waxaa lagu gaaray talo uu soo jeediyay guddiga Midowga Yurub.


Ula jeeddada mamnuucidda soo gelitaanka waddanku waa in la khafiifiyo saameynta faafitaanka feyruska corona iyo in la yareeyo dillaacidda covid-19.
Mamnuuciddu waxay sidi markii horaba khuseysaa dhammaan dadka ajaanibta ah ee Iswiidhan uga imaanaya waddamo aan ahayn waddamada Midowga Yurub, Ingiriiska, Norway, Island, Liechtenstein iyo Switzarland. Muwaadiniinta Iswiidhishka ma khuseyso mamnuuciddu.

2020-05-14 N19

Hey’adda gaadiidka: Ku dabbaaldegidda sagxadaha gawaarida xamuulka ee ardaydu waa mamnuuc


Laga billaabo 15 Mey waa mamnuuc in la raaco sagxadaha gawaarida xamuulka ee ardaydu ku dabbaaldegaan. Taas waa go’aanka Hey’adda gaadiidka oo fulienysa codsiga Hey’adda caafimaadka bulshada.


In la raaco sagxadaha gawaarida xamuulka ama rimoorka ay jiidaan gawaarida xamuulku, cagafcagyada ama qalabka gaadiidka iyadoo taasi la xiriirto iskool xiridda, socodka karnefaallada ama wixi u dhigma lama oggola, sida xeerka Hey’adda gaadiidku uu qabyo.
Mamnuuciddu waxaa ay shaqeyneysaa ilaa iyo 31 Diseembar 2020.

2020-05-14 N18

Wasaaradda arrimaha dibaddu waa ay dheereysay ka digiddi dibad u dhoofidda

Safarrada dibadda waa in dib loo dhigtaa. Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay safar ka digiddeedi dheereysay hal bil.

Feyruska cusub ee corona wuxuu ka dhiganyahay in ay sii socoto kalsooni darradi ku aaddan saffarada caalamiga ah. Sidaas darteed ayey wasaaradda arrimaha dibaddu shir jaraa’id ku sheegtay in digniinihi ay horay uga bixisay in dhammaan waddamada dibadda loo dhoofo la dheereeyay. Ka digiddu waxay shaqeyneysaa ilaa iyo 15 Luulyo 2020.

Go’aanka waxaa asal ahaan dadka loo soo gudbiyay 14 Maarso 2020, hal mar ayaan horay loo dheereeyay.

2020-05-12 N17

Xaalad-cabbiridda Sifo: Dad inti hore ka yar ayaa sheegaya hab dhaqan is beddelay


Dad inti hore ka yar ayaa sheegaya in ay ka fogaadaan hawlaha bulshanimada la xiriira ama gaadiidka dadweynaha marka la barbar dhigo hal usbuuc ka hor. Taas waxaa muujiyay baaritaan ay sameysay Kantar Sifo iyadoo ay u shaqeyneysa Hey’adda badbaadinta bulshada iyo heeganka, MSB.


Baaritaanka in inyar ka badan 5 000 oo qof ayaa ka jawaabay su’aalo ku aaddan sida ay habdhaqankooda u beddeleen laga soo billaabo marki khatarta corona ay billaabatay. Ilaa iyo usbuuci hore waxaa la arki karayay koror joogto ah oo ku imaanayay jawaabaha dadka oo sheegaya in ay aafada darteed habdhaqankoodi u beddeleen. Laakin xaalad cabbiriddii ugu dambeysay waxay muujisay isbeddel weyn oo dhacay. Tusaale ahaan tirada sheegeysa in ay ka fogaadeen raacitaanka gaadiidka dadweynaha, iskana daayeen hawlaha bulshanimada la xiriira wey yaraadeen.

Dhawr tusaale:

  • "In inti hore ka yar ayaa guriga bannaankiisa uga qeyb qaadatay nashaadaad bulshanimo" waxay yaraatay laga billaabo 74 ilaa 66 boqolkiiba.
  • "Ka fogaaday goobaha caamka ah halkaas oo ay dad badani joogaan" waxay yaraatay laga billaabo 72 ilaa 65 boqolkiiba.
  • "In sidi hore ka yar si maalinle ah u raacaya gaadiidka dadweynaha" waxay yaraatay laga billaabo 50 ilaa 42 boqolkiiba.

Baaritaanka oo dhan ka akhriso msb.se.

2020-04-29 N16

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay dumarka uurka leh ku boorrineysaa in ay taxaddir yeeshaan


Dumarka uurka leh waa in ay iska ilaalshaan in la qaadsiiyo covid-19 marka dhaliddoodu xoogaa soo dhawaato iyo dhalidda ka hor. Dumarka uurka leh ee qaba waxyaabaha khatarta keena sida buurnaan, kaadi macaan ama dhiigkar waa in ay si gaar ah u taxaddiraan, sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu.

Sida lagu ogaaday aqoonta maanta la hayo uma muuqato in dumarka uurka leh iyo khatar dadka kale ka badan ugu jiraan in ay aad ugu xanuunsadaan covid-19. Laakiin waxaa jira dhawr dhacdo oo dumar uur leh ay Iswiidhan gudeheeda ugu baahdeen daryeel caafimaad oo is daba joog ah.

– Waxaan rabnaa in aan ka hortagno in dumar badan oo uur leh ay aad ugu xanuunsadaan ama u baahdaan daryeel is daba joog ah ayuu leeyahay Anders Tegnell, oo takhasus u leh cudurrada safmareenka ee dowladda, una shaqeeya Hey’adda caafimaadka bulshada.

Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu waa in dumarka uurka leh ay si dheeraad ah u taxaddiraan, gaar ahaan marka ay dhaliddoodu xoogaa soo dhawaato iyo dhalidda ka hor. Taasna waxaa ugu wacan in cudur ku dhaca neefmareenka marka ay dhaliddu soo dhawaato uu haweeneyda uga dhignaan karyo khatar.

Dumarka uurka leh ee qaba waxyaabaha khatarta keena sida dhiigkar, kaadi macaan iyo buurnaan waa in ay la tashadaan umulisooyinkooda ama dhakhaatiirtooda, ayna xadeeyaan xiriirrada dhadhaw ee ay la yeelanayaan dadka qoyskooda ka baxsan.

2020-04-28 N15

Dabbaaldeg arday oo heer hoose ah sanadkan


Sanadkan ma jirayo dabbaaldeg arday oo sidaas u weyn - ma jirayo or-orod sidaas u weyn, ma jirayo arday gaari xamuul oo dusha ka furan raacaya, mana jirayaan xaflado sidaas u waaweyn. Taas waxaa iminka caddeysay Hey’adda caafimaadka bulshada.

Xaflado waaweyn, kulamo iyo dhoolatusyo iskoolka oo dhan loo qabanayo maaha in la qabto, mana aha in ay dhacaan xaflado iskool oo gaari xamuul oo dusha ka furan lagu dul qabsanayo. Maaha sidoo kale in ay dhacaan xaflado kale oo lagu soo xirayo koorsooyin qalinjebin oo dugsi sare ah.

Shahaaddo qeybin iyo xaflado yar-yar oo fasallada dugsiga sare looga baxayo waa la qaban karaa haddii loo qabanayo si yareyneyso khatarta faafitaanka covid-19.
Dibad u ordidda qalinjibinta ardayda waa la sameyn karaa haddii fasal walba uu goonidiisa u sameynayo ama ay yihiin kooxo yar-yar. Haddii ay sidaas noqoneyso waa in ay taasi ka dhacdo dhismada dibaddeeda halkaas oo masaafo leesu jirjirsan karo. Kooxaha khatarta ku jira iyo dadka leh calaamadaha cudurka covid-19 maaha in ay goob joog ahaadaan.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay sidoo kale qoreysaa in aysan xitaa habbooneyn in dad badan si gaar ah loo ca-casuunto, xitaa haddii casuumaadda lagu qabsanayo guriga iyo dhismada dibaddeeda.

2020-04-27 N14

Guddiga caafimaadka: Da’da maaha waxa go’aaminaya xaqa daryeelka loo leeyahay

Iyadoo ay sababtu tahay wadahadalka warbaahinta ka dhex socda ee ku saabsan in aan dadka da’da la siineynin daryeel is dabajoog ah waxay Guddiga caafimaadku caddeynayaan in aysan sidaas wax ahayn. Mabaadii’da qaranka ee mudnaan siinta xagga daryeelka is dabajoogga ah waxaa ku cad in dadka oo dhan isku si ay daryeel u helayaan, iyadoo aan da’ loo eegeyn, taasoo waqti dheer ka hor sharciga lagu go’aamiyay.
 
Mudnaanta maaha in la isi siiyo iyadoo laga duulayo, da’, xaalad bulshanimo, derejo ama naafanimo laga yaabo in uu qofku qabyo.
Marka boosaska daryeelka is dabajoogga ah aysan dadka ku filneyn waxaa mudnaanta la siinayaa qofka ay fursaddiisu ugu weyntahay in uu badbaado. Xitaa haddii qofka loo diido daryeelka is dabajoogga ah waxaa u furnaanaya daryeel kale. Waxaa sidoo kale jira daryeel uu heli karyo qofki qaba cudur kale oo aan ahayn covid-19, laakin noocyada qalliinka qaarkood waxaa loo baahan karaa in dib loo dhigo.2020-04-23 N13

Hey’adda caafimaadka bulshada: Debshid sanadkan ka duwan kuwii hore

Iyadoo ay ugu wacantahay faafitaanka covid-19 ayuu debshidka sanadkan noqon doonyaa mid kuwii hore ka duwan, ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu soo werineysaa. Waxaan u baahannahay in aan xaflado ka fogaanno iyo in aan ka fikirno ay dad badani meel isugu ururaan. Waa muhiim in masaafo loo jirsado dadka kale xitaa dhismooyinka dibaddooda.

Qofki dareemaya haba yaraatee in yar oo hergeb ah waa in uu gebi ahaanba dadka kale ka dhuuntaa. Waxaa sidoo kale muhiim ah in dhammaan dadka 70 sano buuxiyay ay xaddidaan xiriirradooda dhadhaw, xitaa galabta debshidka ka horreysa.
Isla xaddidaadaha tirada dadka ee meel isugu ururi kara wey khuseysaa xitaa kowda Mey - halkaas oo aan oggolaasho bannaanbax la siin doonin in ka badan 50 qofood. Taasi sidoo kale inta lagu jiro guga wey khuseysaa ciidaha, sida ciidda fidriga ee ramadaanka ku xigta. Masaajiddu wey xirnaan doonaan ilaalinta cudur isqaadsiinta awgeed.

2020-04-22 N12

Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay keligood iska baaraan covid-19

Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay keligood is baaraan si ay muujiyaan covid-19. Baaritaannada noocaas ah waxay ku jiraan oo laga iibsan karaan intarneetka laakin waxay dhalin karaan dhaawac faa’iidada ka badan maxaa yeelay si buuxda looguma kalsoonaan karo, ayey hey’addu leedahay.

Xirmada baaritaanka ee dadka shacabka ah waa in ay si gaar ah aamin u tahay, si fududna loo maamuli karo laakin sida xaaladdu iminka tahay wax sidaas ah suuqa ma yaallaan, ayey Hey’adda dawooyinku leedahay.

 - Xitaa baaritaannada loogu tala galay laamaha caafimaadka waxay muujin karaan natiijo qaldan ama si qaldan ayaa loo macneysan karaa haddii ay dad shacab ah adeegsadaan.  Natiijo qaldan waxay keeni kartaa in qofku uu sii faafiyo cudurka, ayey leedahay Ewa-Lena Hartman, madaxa kooxda farsamada dawooyinka ee Hey’adda dawooyinku.

Hey’adda dawooyinku dadka kalama talineyso in ay adeegsadaan waxyaabaha la isku baaro ama baaritaannada ay laamaha caafimaadku bixiyaan.

2020-04-22 N11

Guddiga adeegga bulshada: Macluumaad cusub oo ku aaddan kooxaha khatarta ugu jira covid-19

Warbixin cusub ayey Hey’adda caafimaadku si gaar ah u soocday dadka khatarta weyn ugu jira in ay aad ugu xanuunsadaan haddii uu ku dhacyo covid-19.

Sida ay Hey’adda caafimaadku qabto dadka khatarta ku jira waa kuwa:

  • Da’da ah, 70 jirrada iyo wixi ka sarreeya. 
  • Buurbuuran ee BMI-geedu ka badanyahay 40.
  • Qaba cudurka kansarka ama iminka laga daweynayo kansar ama goor dhaw kansar laga daweeyay.
  • Qaba cudurrada la xiriira neerfaha iyo murqaha sida Parkinson, MS iyo ALS oo shaqada murqaha saameynaya.
  • Naafanimo xagga garaadka iyo dhaqdhaqaaqa la xiriira (qof siyaabo badan u naafo ah).
  • Dadka qaba ugu yaraan laba ka mid ah cudurrada soo socda: cudurrada wadnaha iyo xididdada (xididdada oo oodma, wadno beelid, faallig), dhiig kar, dhibaatooyin kaadi macaanka ka dhashay, cudur xagga keliyaha ah oo joogto ah iyo keliyo beelid, cudur xagga sambabaha ha oo joogto ah (oo aan neef ahayn) ama cudur xagga baarka ah oo joogto ah.
  • Dadka qaba cudurrada kale ee khatarta ah sida cudurrada yareeya difaaca jirka, cudur ama xaalad ka reysasho cudur aad u saameynaya shaqada xubnaha jirka, dhaawac xagga dhuuxa dhabarka ah oo u baahan in taageero joogto ah oo xagga neefsashada ah iyo daweyn keeni karta in uu difaaca jirka ee infekshinnadu uu yaraado.

Waxyaabo khataraha keena oo isu tegtegay khatarta ayey sii kordhinayaan.

Warbixinta maanta xukuumadda loo gudbiyay waxay soo jeedineysaa in dadka la deggan cid khatar sare ku jirta ay ka joogsato shaqada ka baxsan guriga haddii xaaladda shaqadu aysan ahayn nooca la raaci karo talooyinka Hey’adda caafimaadka bulshada ee ku aaddan ilaalinta cudur dad qaadsiinta.

Liisku wuxuu ku saleysanyahay aqoon laga helay waqtigi uu feyruska corona dillaacay bishii jannaayo ilaa iyo maanta. Aqoonta ku aaddan waxyaabaha khatarta keenaya weli wey yartahay, waxaana dhici karta in loo baahdo qiimeynta dib u eegis lagu sameeyo, lana hormariyo ayey hey’addu qoreysaa

2020-04-17 N10

Munaasabadihii xilligan gu’ga way ka duwanyihiin sidii hore sannadkan

2020-04-03 N9

Farmashi dawo ka soo qaadasho xaddidan

Laga billaabo maanta suurta gal ma noqoneyso in farmashiga laga soo qaato dawo ka badan inta aad u baahantihid muddo seddax bilood ah. Waxaa taas go’aamiyay xukuumadda ka dib markii dalabka dawooyinku uu aad u kordhay waqtiyadi ugu dambeeyay.

Xaddidaaddu waxay khuseysaa dhammaan dawooyinka uu dhakhaatiirtu qorto iyadoo aan taas loo eegeyn in ay ku jiraan gaashaamashada kharashka sare iyo in bukaanku uu kharashka dawada isagu la baxayo. Keliya haddii ay sababo gaar ah jiraan ayaa qiil la heli karaa.

Go’aanku wuxuu sidoo kale ka dhiganyahay in ay tahay in seddax meelood oo laba meel laga isticmaalay dawadi la qaatay inta aan qofka la sii siin dawo dheeraad ah. Ulajeeddadu waa in laga hortago in uu dawada gabaabsi ku yimaado iyadoo ay taasi ka dhalaneyso bakhaar dhigasho.

– Waqtiyada lagu jiro xaaladaha adadag sida kuwan aad bey muhiim u sii tahay in si sinnaani ku jirto loo helo dawooyinka marka loo eego xilliyada caadiga ah. Haddii dadku dawooyinka bakhaarro dhigtaan waxaa imaaneysa khatar ah in dawooyinka qaarkood aysan dadka oo dhan ku filnaanin. Sidaas darteed ayaan sidan wax ugu xaddideynaa, ayey tiri wasiiradda arrimaha bulshadu, Lena Hallengren.

Xaddidaaddu waxay khuseysaa dawooyinka dadka iyo kuwa xayawaannada intaba.

2020-04-01N8

Hey’adda caafimaadka bulshada: Talooyin ku aaddan sidi loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka

Sida ku cad Hey’adda caafimaadka bulshada talooyinkeeda guud ee cusub waa in laga fogaadaa meelaha dadka faraha badan isugu imaanayaan, dadka 70 sano ka waaweyna waa in ay si gaar ah taxaddiraan. Ulajeeddada laga leeyahay talooyinku waa in laga hortago faafitaanka covid-19 iyo in hor iyo horraanba la dhawro dadka nugul ee bulshada ka tirsan - kooxaha khatarta u nugul iyo dadka da’da ah.

Si looga hortago faafitaanka covid-19 waxaa la rabaa in mar walba uu qofku gurigiisa joogyo haddii uu calaamad isku aragyo, in nadaafadda aad loogu dadaalo iyo in dhammaan dadku ay masaafado isu jirjirsadaan. Dadka 70 sano ka waaweyn iyo dadka kale ee ka tirsan kooxaha khatarta u nugul waxaa habboon in ay yareeyaan u dhawaashadooda dadka kale iyo in ay gebi ahaanba ka fogaadaan gaadiidka dadweynaha. Waxaa sidoo kale habboon in ay ka fogaadaan in ay ka soo adeegtaan dukaamanka sida farmashiga iyo dukaamanka cuntada ama ay joogaan meelo kal-kale oo dad isugu ururayo.

Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu kooxda ugu horreysa ee khatarta u nugul waa dadka da’doodu sarreyso ee cudurro kale horay qaba. Tusaale ahaan dhiigkar, wadno xanuun, cudurrada sambabaha ama kaadimacaan. Dadka si dheeraad ah ugu nugul in uu cudur khatar ahi ku dhacyo waa dadka horay cudurro u qabay.

Qof walba oo Iswiidhan joogta waxay mas’uuliyadi ka saarantahay in uu ka hortagyo faafitaanka cudurka, xitaa meelaha ay hawlo ka socdaan. Talooyinkan ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu u soo jeedineysaa meelaha ay hawlo ka socdaan:

Ururrada isboortigu waa in haddii ay suurta gal tahay ay tababarrada iyo hawlaha kale ee isboortiga ku qabtaan dhismooyinka dibaddooda, dib u dhigaan ciyaaraha, tababarka, tartannada iyo koobabka iyo in ay yareeyaan tirada daawadayaasha.

Waxaa habboon in ururrada samafalku ay kulamada sanadlaha ah iyo wixi la mid ah dib u dhigaan haddii ay suurta gal tahay haddii uu kulanku u baahanyahay in hal meel lagu wada kulmo.

Gaadiidka dadweynaha iyo waxyaabaha guud ee lagu safro waa in tirada masaafuriinta la xadeeyaa, inta uu gaadiidku noqnoqonayana taas la waafijiyaa si ciriiri looga fogaado.

Shaqabixiyuhu waa in uu hubiyaa in shaqaalaha iyo booqadayaasha ay masaafo u dhexeyso, in shaqaaluhu guriga ka soo shaqeeyo iyo in laga fogaado safarrada laga maarmi karo.

Dukamaanka, suuqyada waaweyn iyo moolalku waa in ay xadeeyaan tirada macaamiisha ah ee isku mar joogi kara meelahaas. Sidoo kale waxaa habboon in ay xalal kale u keenaan safafka qasnadda ama macaamiisha u sheegaan inta ay isu jirjirsanayaan.

Xeerarka Hey’adda caafimaadka bulshada iyo talooyinka guud waxay shaqeynayaan ilaa iyo 31 Diseembar 2020, laakin waqtigaas ka hor waa la joojin karaa ama la dheereyn karaa, haddii loo baahdo.

 

2020-03-31 N7

Baaritaannada covid-19 oo la kordhinayo

Xukuumaddu waxay Hey’adda caafimaadka bulshada u dirsatay hawl ah in ay keento hindise ku aaddan sida dad badan looga baari karo covid-19.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay hoggaamineysaa shaqo ah in la soo saaro istiraatiijiyad ku aaddan sidii tirada baaritaannada loo kordhin lahaa. Hey’addu waxay sidoo kale isku duweysaa goballada, degmooyinka iyo waxa kale ee loo baahanyahay si dad fara badan loo baaro iyadoo aan tayadana la lumineyn. Waxa ugu muhiimsan waa in bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka loo sii damaanad qaadi karo baaritaan, ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu qoreysaa.

– Waxaa muhiim ah in kooxaha maantaba mudnaanta la siiyo xitaa mustaqbalka loo damaanad qaadi karo baaritaan. Waxaa mudnaanta ugu weyn la siinayaa in qofka la baaro ka hor ama marka isbitaal la dhigayo si uusan cudurku ugu dhex faafin isbitaallada gudohooda, dadka da’da ah iyo dadka nugul ee tusaale ahaan xannaanada u baahan, ayey leedahay Karin Tegmark Wisell oo ah dhakhtarad sare, madaxna ka ah qeyb ka mid ah Hey’adda caafimaadka bulshada.

2020-04-01 N6

Mamnuucida qaran ee booqashada hoyga dadka gaboobay. 

Dawladu waxay go’aamisay mamnuucida booqasho ee dhamaan hoyga dadka gaboobay ee dalka oo dhan si loo hakiyo faafinta cudurka covid-19. Go’aankan wuxuu dhaqan-galayaa 1-da Abriil.

– Dadka ku nool dadka gaboobay hoygooda ku yaala dalka waa kuwa sida ugu baaxada weyn u baahan in looga ilaaliyo faayraskan. Sidaas darteed waa inaanu hubinaa in cudurku aanu ku faafin meelahaas, sidaas waxaa sheegtay wasiirada arrimaha bulshada Lena Hallengren.

Dawladu waxay horey u gudbisay talo adag oo ka dhan ah in la booqdo hoyga dadka gaboobay. Degmooyin badan ayaa horey u bilaabay noocyo kala duwan oo mamnuucida booqashada ah laakiin waxay dawladu iminka bilowday nidaamin isku mid iyo cadaan ah looguna talogalay dalka oo dhan.

Go’aankan waa mid guud. Qofka mas’uulka ka ah hawsha hoyga ayaa dhanka xaalad gaar ah oggolaanaya wixi ka reeban mamnuucid haddii ay jiraan duruufo gaar ah oo sabab u ah ka reebanaan iyo haddii khatarta faafinta faayraska karoona ay aad u yartahay.

2020-03-27 N5

Mamnuucida kulamada dadweyne ah in ka badan 50 qof

Laga bilaabo axada 29 Maarso waa in kulamada dadweynaha iyo xafladaha dadweynaha aanay ka badan 50 ka qayb-qaate.  Go’aankan waxay dawladu gaartay jimcihii (27 Maarso).

Booliisku wuxuu joojin karaa ama kala dareerin karaa kulan dadweyne ama xaflad dadweyne oo ay joogaan in ka badan 50 ka qayb-qaatayaal.  Qofkii qaban-qaabiya xaflad jebinasa mamnuucidan waxaa lagu xukumi karaa ganaax ama xarig xabsi ah ugu badnaan lix bilood.

Ka hor waxaa jirtay xadayn ahayd 500 qof dhanka kulamada dadweynaha, laakiin taas waa la badalay iminka ka dib codsi ka yimi Hey’adda arrimaha caafimaadka.  Sababtu waa in la xadeeyo faafinta cudurka karoona faayraska covid-19.

Kulan dadweyne

Kulan dadweyne micnahiisu waa:

  • kulamada ah mudaharaadyo ama sideedaba loo qabto in lagu wada-xaajoodo, lagu cabiro fikradaha ama soo bandhigid guud ama arrimo gaar ah
  • muxaadarooyinka iyo casharo la jeedinayo kuwaas oo loo qabtay waxbarasho ahaan ama loogu talogalay soo gudbin fikrado guud ama muwaadin ahaan
  • kulamada loo qabto diin ahaan
  • soo bandhigyada masrax, bandhigyada shaneemo, bandhig heeso iyo kulamada kale ee loogu talogalay in lagu soo gudbiyo alaab farshaxan ah
  • kulamada kale ee xoriyada kulanka lagu dhaqmayo

 

Xaflad dadweyne

Xaflad dadweyne micnaheedu waa:

  • tartamada iyo soo bandhigyada isboortiga, ciyaaraha iyo duulista
  • bandhigyada dhaansiga
  • bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga iyo xaflad
  • suuqyada iyo carwooyinka
  • kulamada xafladaha kale ee aan loo arkin kulamo dadweyne ama bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga

Iskoolada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha shakhsiga ah iyo booqashada dukaamada ma ku jirto arimahaas.

2020-03-24 N4

Hey'adda arrimaha caafimaadka: Tababar samee laakiin u samee si amaan ah

Hawlaha isboortiga iyo tababarka way sii socon karaan laakiin dhowr talaabo oo taxadar ah ayaa loo baahanyahay in la sameeyo si loo yareeyo khatarta cudur faafinta, sida ay sheegtay Hey'adda arrimaha caafimaadka.

Dhaq-dhaqaaqyada jirka way u fiicanyihiin caafimaadka dadka oo isboortiga iyo tababaryadu waa inay sii socdaan, sidaas ayay u aragtaa Hey'adda arrimaha caafimaadka. Tababaryada, kulamada kooxo ciyaarayaan iyo koobabka maxaliga ah ma loo baahna in la joojiyo sababtoo ah cudurkan. Goobaha tababarka jirka, hoolalka dabaasha iyo hoolalka isboortiga way furnaan karaan.

Laakiin hawlahan waxaa loo baahanyahay in ay waafaqsanaadaan sidii loo yarayn lahaa khatarta faafinta cudur, tusaale ahaan in tababarku ka dhaco meel banaanka ah. Hey'adda arrimaha caafimaadka waxay wada-hadal layeelatay Ururka qaran ee isboortiga oo waxay talooyinkan soo socda siiyeen kuwa mas'uulka ka ah hawlaha isboortiga iyo tababaryada:

• Qofka xanuusanaya, xitaa leh calaamado khafiif ah maaha inuu ka qayb qaato wax hawlahan ah laakiin uu joogo guriga ilaa iyo laba maalmood ka dib markuu caafimaado. Haddii qofku xanuusado iyadoo hawsha isboortigu socoto waa inuu qofkaas si toos ah u tago gurigiisa.
• Dadka ka weyn 70 sano maaha inay ka qayb qaataan hawlo koox ahaan oo ka dhacaya meel gudaha ah. Muhiim ayay u tahay caafimaadka in dadka waayeelka ah ay dhaq-dhaqaaq sameeyaan iyo hawlo jir ahaan ah iyo in banaanka la soo lugeeyo ayaa lagula talinayaa.
• Yaree wixii ah u dhawaanshaha dadka, samee tababaryo kale oo aad ku badasho.
• Qof kale ha la wadaagin caaga biyaha, waxa afka lagu daboolo iyo wixii la mid ah ee soo gudbin kara candhuuf.
• Hubso in aad fursad u haysato inaad dhaqdo gacmaha iyo alkahoosha gacmaha oo ku baraarugsanow nadaafad fiican oo gacmaha ah.
• Iska ilaali ciriiriga tusaale ahaan marka dad daawadayaan ah loo soo daynayo goobta ciyaarta iyo meesha wax lagu iibinayo.

2020-03-24 N3

Hey'adda arrimaha caafimaadka: Ma la ogola ciriiriga maqaaxiyaha raashinka, maqaaxiyaha kafeega iyo baararka

Ciriiriga dadka dhexdooda marka lagu jiro safaf, miis dhinaciisa, meelaha cuntada qofku ka guranayo ama miiska baararka ee maqaaxiyaha cuntada, maqaaxiyaha kafeega iyo baararka maaha in uu jiro, sida ku cad qawaaniinta cusub ee ka yimi Hey'adda arrimaha caafimaadka.
Hey'adda arrimaha caafimaadka qawaaniinteeda cusub waxay bilaabmayaan inay dhaqan galaan 25-ka maarso, taas micnaheedu waa in maqaaxiyaha cuntada, baararka iyo maqaaxiyaha kafeega ee dalka oo dhan u baahanyihiin inay qaataan talaabooyin gaar ah si loo yareeyo khatarta faafida cudurka covid-19.

Qawaaniintan cusub waa in lagu dhaqmaa dhanka shaqooyinka ay si guud u khuseyso qodobka 11 § ee qawaaniinta Hey'adda dawladeed ee arrimaha raashinka (LIVSFS 2005:20) kuna saabsan nadaafada raashinka, tusaale ahaan maqaaxiyaha, maqaaxiyaha shaqaalaha, baararka, maqaaxiyaha kafeega, hoolka cuntada ee iskoolada iyo adeegyada cuntada laga dalbado.

Hawl shaqo oo kastaa waa inay hubisaa in dadka soo booqanayaa ay kala durugsanaadaan. Soo booqdayaashu waa inay wax cunaan oo wax cabaan oo keliya iyagoo fadhiya miis ama cuntadoda qaataan. In marka la joogo baararka loo shaqeeyo qof taagan ma la ogola. Cuntada la qaadanao waa caadi, ilaa intii sidaas la samayn karo iyadoo ay bilaa ciriiri tahay dadka dhexdooda.

Qofka mas'uulka ka ah hawshan waa in sida ay Hey'adda arrimaha caafimaadka sheegtay uu xitaa lahaadaan nidaamyo loogu talogalay in khatarta cudur faafinta la yareeyo sidii suurtagal ah.

Dhakhtarka ku takhasusay cudurada faafa ayaa ka dib la tashiga degmada gaari kara go'aan ah in la mamnuuco meelaha aan buuxin shuruudahan.

2020-03-19 N2

Hey'adda arrimaha caafimaadka: Ka fikir haddii safarku run ahaanti yahay lagama maarmaan

Iyadoo ay sabab u tahay faafida faayraska karoona waxay Hey'adda arrimaha caafimaadka ku talinaysaa in aad looga fikiro safarada ayaamaha fasaxa la qorshaystay ama safarada kale ee gudaha Iswiidhan ay run ahaantii yihiin lagama maarmaan in la sameeyo. Qofka xanuusanayaa maaha inuu safro.

Hadda waxaa jira calaamado cad oo muujinaya in covid-19 ku fiday bulshada, ugu horeyn gobolada magaalooyinka waaweyn. Ka hor fasaxyada iyo xilliga fasaxa booskiga waxaa muhiim ah in si fiican qofku uga fikiro safarada.

– Ayaamaha fasaxa weyn waxay badanaaba yihiin fasaxyada la safro. Waxaanu waayo-aragnimada laga hayo Talyaaniga iyo Oostariya ku ogaanay sida safarada xilliga fasaxyada ay u saamayn karto faafida cudur ee juqraafi ahaan dal, sida uu sheegay Johan Carlson, maamulaha guud ee Hey'adda arrimaha caafimaadka.

Sidaas darteed waxay Hey'adda arrimaha caafimaadka ku talinaysaa in qofku si fiican uga fikiro haddii safar lagu tagayo tusaale ahaan magaalooyinka waaweyn, goobaha dalxiiska ee barafka ama meel kale oo fasaxyada lagu tago oo caan ah oo ay dad badan ku kulmaan meel isku mid ah ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo.

2020-03-17 N1

Waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin goobta waxbarasho ayaa lagula taliyay dugsiyada sare, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare.

Hey'adda arrimaha bulshada waxay ku talinaysaa in dugsiyada sare, waxbarashada dadka waaweyn, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare ee Iswiidhan ay dhaqan-geliyaan waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin goobta waxbarasho taas oo ay sabab u tahay faayraska karoona ee cusub.

Talo soo jeedintan ujeedadeedu waa in cudurka covid-19 ku faafo bulshada.

– Xaalada iminka lagu jiro waxaa macquul ah in lagu baraarujiyo dugsiyada sare, jaamicadaha iyo jaamicadaha sare inay u badashaan waxbarashada la qaato iyadoo aan la joogin goobta waxbarashada. Markaasi waxaa waxbarashada la samayn karaa iyadoo ardaydu aanay ku urursanayn fasal iyo qolalka waxbarashada, sida uu sheegay Johan Carlson, maamulaha guud ee Hey'adda arrimaha caafimaadka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada xanaanada wakhtiga iminka lagu jiro wax saamayn ah ma ku laha talo-bixintani. Dawladu waxay si wada-jir ah xisbiyada ay dhanka gudida waxbarashada u darsaysaa haddii la qaadan karo sharci cusub oo dawlada suurtagal uga dhigaya in la damaanad qaado daryeelka caruurta waalidkood hayaan shaqooyin muhiim u ah bulshada haddii aynu gaarno heer loo baahdo in la xiro dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada xanaanada.

Uppdaterades