Xagaaga Iswiidhan gudeheeda inta uu jiryo covid-19

TB17 Dillaacidda cudurka covid-19 wuxuu saameynayaa sida aan Iswiidhan gudeheeda ugu safri karno, fasaxa ugu gaadan karno, waqtina isugula qaadan karno xagaaga. Halkan waxaan isugu ururinnay hey’adaha dowladda iyo laacibiinta kale macluumaadkooda ku aaddan xannibaadaha iyo talooyinka khuseeya safarrada, nolosha hawada furan, teendheynta iwm.

ID55

Talooyinka guud ee soo socda

  • Guriga joog haddii aad leedihid calaamado cudur

  • Masaafo dadka u jirso
  • Taxaddir lahaw marka aad booqaneysid dad ah 70 jirro iyo ka badan ama ka tirsan koox khatar ku jirta.
  • Ka fogaw munaasabadaha bulshadu isugu imaaneyso
  • In badan gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo

ID56

Safarrada gudaha

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay khatar isqaadsiinta cudurka awgeed dadka kala talineysaa in ay si wadajir ah u safraan. Sidoo kale maskaxda ku hay in shirkadaha wax daabula ay yareeyeen tirada bixitaankooda iyo in ay soo rogeen xannibaado ku aaddan tirada rakaabka ee gaadidka raaci karta.  

Laga billaabo 13 Juun dadka aan calaamado cudur lahayn Iswiidhan wey ku dhex safri karaan. Waa muhiim in dhammaan la raaco xeerarka in jir ahaan si sugan masaafo leesu jirsado, inta la safrayo iyo inta meel la joogo intaba. Inta aadan safrin, eeg degmada aad booqan rabtid sida ay tahay in loogu dhaqmo.

Akhriso wax dheeraad ah oo ku aaddan safarrada gudaha iyo gaadiidka maxalliga ah

ID56b

Dibad ka soo gelidda Iswiidhan

Ma jiryo wax shardi ah oo ku aaddan in la karintiilo musaafiriinta Iswiidhan dibadda ugu imaanaya. Sidoo kale ma jiryo shardi ku aaddan af ilaaliye marka lagu jiro xaaladaha caadiga ah ee bulshada dhexdeeda ah.

Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay beddel ahaan ku talineysaa in:

  • dadka buka ay guryahooda joogaan
  • qofku dadka kale u jirsado masaafo dhan ugu yaraan gacan dhererkeed
  • gacmaha in badan lagu dhaqdo saabuun iyo biyo.

Garoomada dayuuradaha qaarkood waxaa ka jiri kara talooyin gaar ah oo ku aaddan in af dhawr la isticmaalo. Swedavia Airports waxay ku talineysaa in aad garoomadooda dayuuradaha ku isticmaashid af dhawr. U feejignaw macluumaadka ay shirkaddaada dayuuraduhu ku siineyso – shirkado dayuureed oo fara badan waxay shardi ka dhigaan in afka la duubto xitaa diyaaradda dusheeda.

Muwaadiniinta ajaanibta ah ee leh calaamado cudur si lacag la’aan ah ayey xaq ugu leeyihiin tijaabada PCR. Kuwa rabaan in tijaabo noocaas ah lagu sameeyo waxay la xiriiri karaan gobalka ama 1177.

Musaafiriinta ajaanibta ah ee raba in ay iska qaadaan tijaabada unugyada lidka ku ah cudurka si ay caddeyn safar u helaan waxay iyagoo kharashka iska bixinaya taas ka ag sameyn karaan shirkado caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Jooji qaadsiinta cudurka – waxan qof caadi ah ahaan waad sameyn kartaa

ID57

Safarrada dibadda

Wasaarada arrimaha dibaddu, UD, waxay dadka kala talineysaa safarrada aan ahayn lagama maarmaan ee lagu tegayo dalalka caalamka oo dhan. Laga billaabo 30 Juun meesha waa laga saaray kala talinta dadka ee aaditaanka waddamada: 

  • Haangari
  • Biljamka
  • Faransiiska
  • Giriigga
  • Island
  • Talyaaniga
  • Kroatia
  • Luxemburg
  • Bortaqiiska
  • Switzarland
  • Spain
  • San Marino
  • Monaco
  • Vaatikaanka.

Waddamada kale ee ka tirsan EU, EES iyo Schengenka, waa lagala talinayaa dadku in ay aadaan ilaa iyo 15 Luulyo. Waddamada kale waxaa dadka lagala talinayaa in aadaan ilaa iyo 31 Agoosto.

Akhriso wax dheeraad oo ku aaddan safarrada dibadda.

ID58

Nolosha hawada furan

Nolosha hawada furan ee Iswiidhishka waxaa la rejeynayaa inay xagaaga aad u kororto. Dabcan in dad badan ay u baxayaan dabiicada waa wax wanaagsan, waana wax hey’adaha dowladdu ay dhiirri gelinayaan. Isla mar ahaantaasna aad bey muhiim usii tahay in dhammaan tixgelin loo muujiyo dabiicada, nolosha xayawaannada, milkiilayaasha dhulka iyo dadka kale.

ID59

Xuquuqda tamashleynta – xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga dabiicada

Xuquuqda tamashleyntu waxaa ay ka dhigantahay in aad si xor ah ugu dhaqdhaqaaqi kartid dabiicada iyadoo aadan fasax weydiisan milkiilaha dhulka. Laakin waxaa jira waxyaabo qaarkood ay khasab tahay in aad ka fikirtid marka aad dibadda joogtid oo aad ku lugeyneysid, ku teendheyneysid, meelo ku koreysid, doon ku raaceysid ama wax kale ku sameyneysid meelaha furan.

Akhriso wax dheeraad ah oo ku aaddan waxay xuquuqda tamashleyntu ay ka leedahay dhaqdhaqaaqa kala duduwan. Isku xire kuu gudbinaya Hey’adda daryeelidda dabiicada.

ID60

Hey’adda daryeelidda dabiicada iyo jardiinooyinka qaranku waxay leeyihiin xeerar gaarka ah

Xagga aagagga la ilaaliyo sida tusaale ahaan seerada dabiicada iyo jardiinooyinka qaranka waxaa jira xeerar gaar ah oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo dabiicada. Waxay ka dhignaan karaan in xuquuqda tamashleynta lagu koobo meelo gooni ah laakin meelo kale la kordhiyay. Aag la ilaaliyay waxaa tusaale ahaan mamnuuc ka ahaan kara in dab lagu shito, in doon la geysto ama in ey lagu heysto, laakiinse dhanka kale waxaa la oggolaan karaa in isku hal meel dhawr habeen teendho laguu muto. Xeerarka aagga khuseeya waxaa laga akhrisan karaan sabuuradda wax lagu dhejiyo ee aagga ama baraha intarneetka ee degmada ama maamul gobaleedka.

ID61

Si aamin ah dab u shido – ka fikir khatarta gubashada

Mar walba waa in aad taxaddirtaa marka aad dabiicada dab ku shidaneysid iyadoon taas loo eegeyn in aad isticmaaleysid kushiin teendho, qalab wax lagu dubto ama goob dab lagu shito iyo kale. Inta lagu jiro xagaaga marka ay dibaddu qallalantahay aad bey muhiim u sii tahay in khatarta gubashada laga fikiro.

Taas ka fikir inta aadan dabiicada dab ku shidan:

  • Iska hubi in aysan mamnuuc ahayn in meesha dab lagu shito. Markaas waa mamnuuc in dab lagu shito iyo in wax lagu dubto jiqda iyo dhulka, xitaa meelaha sugan ee dabka lagu shito. Macluumaadka ku saabsan mamnuucidda dab shididda waxaad ka heleysaa baraha intarneetka ee degmada ama maamul gobaleedka. 
  • Jardiinooyinka qaranka iyo seerooyinka dabiicada waxaa badanaa khuseeya xeerar gaar ah. Waxaa dhici karta in gebi ahaanba la mamnuuco in dab la shito ama loo oggolaado oo keliya meelo sugan oo dab shidasho. Xeerarku waxay ku cadyihiin sabuuradaha wax lagu dhejiyo ee aagga, waxaadna xitaa macluumaad dheeraad ah ka heli kartaa degmada ama maamul gobaleedka.
  • Dooro goob aaamin u ah in dab lagu shito si dabku uusan khatar ugu gelin in uu faafo.
  • Iska ilaali in aad gaariga uga dhex tagtid aalkolada gacmaha maxaa yeelay waxaa ku jira aalkolo oo waxaa loo arkaa in ay aad dabka khatar ugu tahay. Heer kul sare haddii uu helyo dhimbilo ama holac wuxuu dhalin karyaa dab. Waxay dhimbilo dhalan karaan marka tusaale ahaan la xirayo ama la furayo albaabka gaariga.

ID62

Cariishyada buuruhu waxay u baahanyihiin in horay loo bokimto

Iyagoo ay ugu wacantahay khatarta isqaadsiinta cudurka ayuu Ururka dalxiiska ee Iswiidhishku, STF, soo rogyay xannibaado ku aaddan inta qof ee ku hoyan karta cariishyada buuraha ee ururka. Buuro ku lugeeyayaashu waxay sidoo kale u baahanyihiin in ay boos ka bokimtaan cariishyada iyo in ay horay lacagta u sii bixiyaan.

Xitaa cariishyada buuraha ee gaarka loo leeyahay waxaa dhici karta in ay soo rogeen xeerar kuwan la mid ah. Adigaaga ku firkiraya in aad xagaaga hayaantid waxaa sidaas darteed laguugula talinayaa in aad wax iska baatid in aadan waddada fuulin.

ID63

Goobaha maaweelada, beeraha xayawaannada iyo meelaha biyaha lagula raaxeysto

Iyadoo ay sababtu tahay mamnuucidda ku aaddan isu imaashada guud ee in ka badan 50 qofood waxaa beeraha madadaallada lagu qasbayaa in ay xagaaga xirnaadaan. Noocyada kale ee beeraha madadaallada, sida beeraha xayawaannada, waa ay furnaan karaan iyadoo ay dul saaranyihiin xannibaado iyo xayiraado gaar ah. Waxay tusaale ahaan ku saabsanaan karaan in gudaha loo daayo tiro go’an oo booqadayaal ah oo keliya, in tikidhada ay khasab noqoto in horay loo sii goosto ama in la xiro qeyb goobta ka mid ah.

Beeraha maaweelada ee soo gelaya mamnuucidda kuwa ay yihiin waxaa lagu goynayaa xeerarka kala dambeynta, waana Hey’adda booliska cidda qiimeynta sameyneysa. Waa xukuumadda cidda go’aamisay xannibaadaha ku aaddan ugu badnaan 50 qofood iyadoo raaceysa talooyinka Hey’adda caafimaadka bulshada. Inta aadan goob maaweelo booqan iska baar waxyaabaha goobtaas khuseeya. Haddii aad qabtid su’aalo ku aaddan xeerarka kala dambeynta ama adeegyada ay taabanayaan waxaad la xiriiri kartaa Booliska.

ID64

Maqaayado iyo meelo laga qaxweeyo

Maqaayadaha iyo meelaha laga qaxweeyo waa ay furnaan karaan iyagoo ka soo baxaya shuruudo gaar ah.

  • Maaha in uu ciriiri yimaado. Waxyaabaha layska rabo waa in martidu ay isu jirjirsadaan masaafo dhan gacanta dhererkeeda.
  • Cuntada iyo cabitaanka waa in miiska leesugu keenaa. In cunto la dalbado oo qasnajiga laga ag qaato waxaa la oggolyahay oo keliya haddii taas la sameyn karo iyagoo uusan ciriiri imaan.
  • Martidu waa in ay mar walba cuntada cuntaa iyadoo miis fadhida.
  • Cunto la qaato waa la iibsan karaa ilaa inta uusan ciriiri imaaneyn.

 ID65

Isboorti iyo tababar

Maadaama dhaqdhaqaaq jir ahaaneed uu caafimaadka u fiicanyahay, isboortiga iyo tababarku waa ay sii socon karaan xitaa inta uu faafayo covid-19. Laakiinse nashaadaadku waxay u baahan karaan in la waafajiyo duruufaha markaas jira si loo yareeyo khatarta faafitaanka cudurka.

Akhriso wax dheeraad ah oo ku aaddan waxyaabaha khuseeya isboortiga iyo tababarka.  

ID66

Hawlaha xerooyinka iyo guryaha ay carruurtu xilliga xagaaga degaan

Waa muhiim in carruurtu intii suurta gal ah ay sii wataan nashaadaadkooda caadiga ah. Sidaas darteed ayey Hey’adda caafimaadka bulshadu oggoshahay guryaha ay carruurtu xilliga xagaaga degaan, haddii kooxo yaryar loogu qabanayo. Laakin cidda meesha hawshu ka socoto mas’uulka ka ah waa in ay hubisaa in la yareeyo khatarta faafitaanka cudurka corona.

ID67

Hoteel, albeergo iyo meel teendhooyin lagu muto

Hoteellada, albeergooyinka iyo meelaha teendhooyinka lagu muto waa in ay hubiyaan in shaqaalaha iyo martidu ay la socdaan oo ay raacaan talooyinka Hey’adda caafimaadka bulshada. Meelaha la booqanayo waa in ay awoodaan in ay safafka xal u helaan marka tusaale ahaan furayaasha la qaadanayo (tusaale, in ay tusaan inta ay martidu isu jirjirsanayaan). Shaqaalaha iyo booqadayaashu waa in ay sidoo kale fursad u helaan in ay gacmaha ku dhaqdaan saabuun iyo biyo iyo aalkolada gacmaha intaba.

Haddii meeshu ay leedahay maqaayad, baar, ama biibito waa ay soo geleysaa xeerarka isciriirinta ee Hey’adda caafimaadka bulshada ee tusaale ahaan loogu tala galay maqaayadaha iyo meelaha khamriga lagu cabo. 

Munaasabadaha laga yaabo in la qabsado wey saameyn kartaa mamnuucidda ka dhanka ah isu ururidda dadweynaha iyo kulamada guud.

ID68

Goobaha dabaasha

Goobaha dabaashu sooma gelayaan mamnuucidda guud ee isu imaanshada dad ka badan 50 qofood. Talooyinka guud ee ku aaddan in masaafo leesu jirjirsado waa ay khuseeyaan.

ID76

Talooyinka marka la joogo xeebta iyo barkada dabaasha

  • Guriga joog haddii aad xanuusanayso
  • Badanaaba dhaq gacmaha Isticmaal alkoosha gacmaha marka aanad fursad u haysan gacmo dhiqid.
  • Iska ilaali xeebaha iyo barkadaha lagu dabaasho ee dadku ku badanyahay.
  • Masaafo amaan ah oo laba mitir ah u jirso dadka kale ee jooga xeebta/barkada lagu dabaasho iyo gudaha biyaha.
  • La soco xeebtan/barkada dabaasha tabeelaheeda macluumaadka oo raac talooyinka loogu talogalay in si amaan ah loo booqdo xeebta.

ID77

Talo, warbixin iyo tusaale loogu talogalay shirkadlayda xilliga xagaaga

Cudur baahid waxay shuruudo gaar ah ku xujaysaa dhamaan kuwa qaban-qaabinaya hawl.  Macaamiisha iyo martidu waa inay awoodaan inay kala durkaan oo gacmaha dhaqaan, tani waxay hogaan u tahay sida aad u iibin karto alaab ama adeegyo. 

Xusuusi dadka ku soo booqday sida ugu fiican ee ay isaga ilaalin karaan qaadista cudur.  Ku caawi martidaada xarkaha meel lagu kala xiro, calaamadaha dhulka lagu dhajiyo, tabeelaha macluumaadka ee banaanka la dhigo, qoraalo ogeysiis ah ama macluumaad la saaro miisaska meelaha ay ka jirto khatar ah in ay ciriiri noqoto.  

Hey'adda badbaadada bulshada iyo heeganka (MSB) waxay leedahay bog intarnatka ah halkaas oo ay ku ururiyeen tusaalooyinka fiican ee sida dad kale sameeyeen dhanka shaqooyinkooda si loo joojiyo faafinta cudurkan. Boggu waa af-Iswiidhish. Tusaalooyinkan waxaa laga soo qaatay laamaha ganacsiga ee kala duwan sida maqaaxiyaha cuntada, maqaaxiyaha kafeega, meelaha lagu dabaasho, meelaha banaanka la dego, gaadiidka dadweynaha iyo badmaaxnimada.

Halkaas waxaa xitaa ku jirta liistada waxyaabaha la iska hubinayo, tabeelaha macluumaadka ee banaanka la dhigo iyo qoraalada ogeysiiska, kuwaas oo aad awoodo inaad soo dejisato, daabacato oo u isticmaasho hawshaada shaqo.

Uppdaterades