Sidan ayaad faafidda ku yareyn kartaa

Si loo hakiyo faafinta cudurka cusub ee faayraska karoona waxaa muhiim ah in aynu si wada-jir ah isu caawino.
Uppdaterades

ID1b

Caawimaad ka geyso in la yareeyo faafinta cudurkan

Si loo hakiyo faafinta faayraska karoona ee cusub waa muhiim in aynu si wada-jir ah isu caawino. 

  • Guriga joog haddii aad  calaamado covid-19 ah leedahay. Eeg liistada calaamadaha ee bogga xagiisa hoose ku taala.
  • Xaddid xiriirada dhowdhow ee cusub oo kaliya la kulan/la dhaqan dad ka tiro yar.
  • U jirso masaafad dadka kale oo iska ilaali goobaha saxmad/ciriiri badan leh.
  • Guriga ku shaqee illaa intaad karto. 
  • Si fiican oo joogto ah ugu dhaq gacmaha saabuun iyo biyo ama isticmaal dawada jeermiska gacanta disha.
  • Ugu safar sida ugu suurtogalsan ee aan fayruska loogu kala qaadeynin.
  • Ka taxaddar markaad booqato dadka 70+ ah ama kuwa ka tirsan kooxda khatarta ugu jira. Waxay Folkhälsomyndigheten haysaa macluumaad ku saabsan sida aad dadka  si ammaan ah ula kulmayso/ugula dhaqmayso.

ID2

Calaamadaha caadiga ah ee covid-19

  • qufac
  • xummad
  • dhibaato neefsashada ah
  • diif
  • cabur sanka ah
  • cuno xanuun
  • madax xanuun
  • xanuun muruqyada iyo laabatooyinka ah
  • yalaalugood, lallabood (yaayaqsood)
  • dareenka urta iyo dhadhanka oo hoos u dhaca
  • shuban

Qofka u xanuusada covid-19 waxaa ka muuqan karta hal ama dhowr ka mid ah calaamadahaas. Aad ayay caadi u tahay in qofku uu waayo dareenka urta iyo dareenka dhadhanka xilli wakhti ah iyadoo tani la xiriirta infekshanka qaybta sare ee marinka hawada. Xitaa waxaa la sheegay shuban. Dadka badankooda waxaa ku dhaca dhibaato khafiif ah taas oo u iman karta si tartiib ah oo keligeed iskaga dhamaata iyadoo qofku isku daryeelo guriga. Dadka qaarkoodna si khatar ah ayay u xanuusadaan, tusaale ahaan dhibaatooyin in la neefsado iyo barar dhanka sambabada ah.  

ID13

Haddii aad jiran tahay ama calaamado leedahay.

  • Guriga joog ugu yaraan toddoba maalmood marka laga soo bilaabo markay calaamadaha ugu horeeyaa soo baxaan. Waa inaad bilaa qandho aheyd labadii maalmood ee ugu dambeeyay. Taasi waxay khusaysaa dadka waaweyn iyo carruurta labadaba.
  • Tijaabo iska qaad. Dadka waaweyn iyo carruurta oo ay ku jiraan kuwa fasalka dugsiga xanaanada iyo dugsiga caadiga u dhaxeeya (förskoleklass) ayaa loo soo jeedinayaa inay tijaabo lagu eegaayo infegshanka socda iska qaadaan.
  • Guriga isku karantiimee.

ID92

Haddii aad la kulantay qof la hubo in uu ku dhacay cudurka [Covid-19]

  • Haddii laf ahaantaada aad dareento calaamadaha cudurka, waa inaad is go´domisaa kaddib la xiriirta xarumaha daryeel-caafimaadeedka oo aad shaybaar iska qaada. Xilliga aad natiijada baaritaanka sugayso waa inaad gurigaaga iska joogta oona iska ilaalisa xiriir yeelashada.
  • Haddii aad wax calaamado dareemin, iyadoo sidaasi tahay waxaa haddana suuraggal ah in fayruuska lagu qaadsiiyay. Sidaas awgeed, waa inaad iska ilaalisa inaad waqtiyada hore aad xiriir la yeelato dad kale. Haddii ay suuraggal noqon karto hawlaha shaqada ku dhaqaaq adigoo gurigaaga ku sugan.

ID46

Haddii qof ka tirsan qoyska uu leeyahay calaamado covid-19 ah

  • Isku day inaad masaafad ugu yaraan gacan dhererkeed ah ka istaagto qofka jiran.
  • Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo muddo ilaa 20 ilbiriqsi ah inta/mararka ugu badan ee aad karto.
  • U fiirso/ka feejignow inaad calaamado isku aragto. Taasi waxay khuseysaa dhamaan xilliga lagu jiro wakhtiga xanuunka la qaaday ilaa inta uu soo shaacbaxaayo (2-14 maalmood, badanaa 5 maalmood).
  • Guriga ku shaqee haddii aad fursad u heli karto.

ID97

Haddii qof qoyska ka tirsan uu leeyahay covid-19 la xaqiijiyey

  • Waxa lagu siin doonaa xeerar khuseeya habdhaqanka oo gaar ah kuwaas oo ka soo baxay raadgurka infegshanka ee gobolka. Xeerarka waxa laga yaabaa inay noqon karaan in qofka weyn iyo ilmahuba ay guriga joogaan oo aanay shaqo, dugsi ama dugsiga xanaanada toona tagin muddo todoba maalmood ah. Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato lacagta/gunnada la siiyo dadka infegshanka qaba ee laga qaato Försäkringskassan ee dakhligaad weyday ah.
  • Ka dib marka xeerar habdhaqanka khuseeya ay soo dhammaadaan waa in qof kasta oo qoyska ka mid ahi uu u fiirsado/ka feejignaado calaamadaha iyadoo xiriirka dadka kale lala yeelanaayo la yareynaayo mudoo toddobo maalmood oo kale ah.
  • Qofka horey looga helay covid-19 ama lixdii bilood ee ugu danbeeyey la xaqiijiyay inuu leeyahay unugyada difaaca jirka ayaa ka reeban xeerarka.

ID93

Haddii carruurta jirta da'da xanaanadu ay calaamado yeeshaan

  • Folkhälsomyndigheten ma soo jeedinayso in carruurta dhigata xanaanada tijaabo laga qaado haddii ay leeyihiin calaamado covid-19 ah.
  • Haddii ay calaamado jiraan, waa in ilmahu guriga joogo illaa iyo inta uu calaamado leeyahay iyo laba maalmood oo kale.
  • Haddii ay toddobo maalmood ka soo wareegeen markii la jirooday iyadoo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay aan qandho la laheyn oo xaalada caafimaad ee guud ay wanaagsan tahay, ayaa ilmuhu uu dugsiga xanaanad ku laaban karaa xataa haddii uu isagu sii leeyahay calaamado khafiif ah, tusaale ahaan qufac yar ama diif/siin.

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka helaysaa Folkhälsomyndigheten  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID47

Talo ku saabsan af dhowre/af gashi 

  • Laga bilaabo 7 Janaayo 2021 ayaa la iskula talinayaa in af dhowre/af gashi la xidhnaado gaadiidka dadweynaha dhexdiisa inta u dhaxeysa saacadaha 7-9 iyo 16-18 ee maalmaha shaqada, wadanka oo dhan. Laakiin wakhtigan hadda la joogo ayaanay Folkhälsomyndigheten soo jeedineynin guud ahaan isticmaalka af dhowre/af gashi ee bulshda dhexdeeda.
  • Haddii aad dalbato isticmaalka af dhowre/af gashi ayaa waxa muhiim ah in ka saxda ah la isticmaalo oo isticmaalidu sida saxda ugu dhacdo. Wax dheeraad ah ka akhri sida af dhowre/af gashi loogu isticmaalo sida sax ah

ID90

Infeekshan oo calaamadaha cudurka aan lahayn  

Infeekshanada waa lays qaadsiin karaa iyagoo calaamadaha cudurka leh ama aan lahayn. Iyadoo lagu salaynayo khibradaha imminka laga haysto cudurka loo yaqaanno [Covid-19], ayaa qiimaynta waxay tahay in heerka fayruus faafinta ee dadyowga aan lahayn calaamadaha cudurka uu ka hooseeyo kuwa dadyowga la dhiban calaamadaha cudurka.

Warbixin dheeraad oo arrintaas ku saabsan waxaad ka aqrisan kartaa barta internetka ee Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] (warbixinta af-iswiidish ayay ku qoran tahay)