Dawo, daweyn iyo saami qaadid

Waxaan halkan ku ururinnay macluumaad ku aaddan waxa khuseeya dawooyinka, daweynta iyo saami qaadidda.

ID39 

Dawooyin


Waqtiga iminka ah ma jiraan wax tallaallo ah ama dawo la oggolyahay oo ka dhan ah covid-19. Hey’adda dawooyinku waxay iskaashi la leedahay hey’adaha kale ee dawooyinka ee Yurub iyo caalamka intiisa kale si looga fogaado in dawooyin kala duduwan wax lagu daweeyo, iyo si gacan looga geysto dadaalka loogu jiro in tallaal loo helo cudurka.
Maadaama uu cudurku gebi ahaanba cusubyahay waxaa muhiim ah in la ururiyo aqoon ku aaddan sida covid-19 uu u saameyo dawooyinka kale ee wax lagu daweeyo. Hey’adda dawooyinku waxay sidaas darteed laamaha caafimaadka iyo bukaannada ku boorrineysaa in ay soo sheegaan dhinaca-waxyeellada ee la tuhunsanyahay, iyagoo adeegsanaya foom.
Hey’adda dawooyinku waxay halkan ku ururisay su’aalo iyo jawaabo ku saabsan covid-19 iyo dawooyinka.

ID40

Daweyn


Dadka uu ku dhacyo cudurka covid-19 badankoodu waxay iska dareemaan calaamadaha caadiga ah ee hergebka ama durayga, mana u baahdaan in ay daryeel caafimaad raadsadaan. Koox yar oo ka mid ah dadka cudurka la qaadsiiyo ayaa aad u xanuunsada, una baahan kara in daryeel isbitaal lagu siiyo. Si dhakhsi ah laamaha caafimaadka ula xiriir haddii si lama filaan ah ay xaaladdaadu u xumaato ama ay neefsashadu kugu adkaato xitaa adigoo nasanaya.

ID41

Is daryeelidda marka la isku arko calaamado cudur oo yar-yar


Haddii aad isku aragtid calaamado cudur oo yar-yar waxay 1177 ku talineysaa waxyaabo fara badan oo aad adigu sameyn kartid si aad wacnaan u dareentid:

  • Aad wax u cab. Aadbey muhiim u sii tahay haddii aad qufaceysid ama feebaro ku heyso.
  • Kor u qaad sariirta madaxeeda adigoo hoos gelinaya barkin dheeraad ah.
  • Isticmaal dawo feebaraha dejineysa.
  • Si aad ah u naso laakin iska ilaali in aad waqti dheerna meel jiiftid. Taasi waxay xumeyneysaa fursadaha ay sambabuhu ku shaqeyn karaan, waxayna adkeyn kartaa ka bogsooshada cudurka.

Talooyin badan waxaa laga heli karaa 1177.

ID42

Daweynta marka uu cudurku khatar yahay


Qaar ka mid ah dadka uu ku dhacyo covid-19 waxaa ku dhaca caabuq sambabaha ah oo khatar ah, waxaana ku adkaan karta in ay neefsadaan. Haddii aad, aad u xanuunsatid waa lagu daweynayaa si loo taageero shaqada sambabaha iyo xubnaha kale ay uu cudurku saameyn karyo. Waxay tusaale ahaan daweyntu ku saabsanaan kartaa in nakhas dheeraad ah lagu siiyo ama neefsashada lagaa caawiyo iyadoo la adeegsanayo qalabka fududeeyo neefsashada. Halkan waxay 1177 uga sheekeyneysaa sida la isugu daweynayo qalabka fududeeya neefsashada.

ID43

Saami qaadid


Hey’adda caafimaadka bulshada waxay xukuumaddu u xil saartay in ay soo saaraan istiraatiijiyad qaran oo dad badan saami looga qaadayo si looga baaro covid-19. Kuwa mudnaanta loo siinayo in laga qaado saami waa bukaannada laamaha caafimaadka ag yaal, dadka deggan hoyga iyo rugaha dadka da’da ah, waxaa kaalinta labaad soo gelaya shaqaalaha laamaha caafimaadka- iyo daryeelka, kaalinta seddaxaadna waxaa soo gelaya dadka ka shaqeeya hawlaha bulshada muhiimka u ah.


Ulajeeddadu, hor iyo horraan, waa in kor loo qaado awoodda saami qaadidda ee ku aaddan infekshinka socda ee covid-19 iyo in gadaal dambe, marka dad badan oo bulshada ka mid ah uu infekshinku ku dhacyo, la kordhiyo baaritaannada ku aaddan unugyada difaaca cudurka (tijaabooyin lagu eegayo difaaca uu jirku cudurkan u leeyahay) halkaas oo laga arki karo haddii uu qofka horay ugu dhacyay covid-19. Sida ay qabto Hey’adda caafimaadka bulshadu waxaa socda hawlo lagu soo saarayo tijaabooyin lagu eegayo difaaca uu jirku cudurkan u leeyahay, waxaana hor iyo horraan, marka ay tijaabooyinkaas diyaar noqdaan, mudnaanta la siin doonaa shaqaalaha laamaha caafimaadka iyo daryeelka.


Dhammaan dadka uu hargabku hayo ama leh calaamado duray u eg waa in ay guriga joogaan si aysan khatar u gelin in ay dad kale ku sii faafiyaan cudurka. Kooxdan saami-qaadidda mudnaan laguma siinayo.

ID44

Baaraan


Hey’adda dawooyinku waxay dadka kala talineysaa in ay soo iibsadaan waxyaabo uu qofku keligiis isaga baari karyo covid-19 oo loo xayeesiiyo si guryaha loogu isticmaalo. Baaritaannadaas waxay keeni karaan dhaawac ka badan faa’iidadooda maxaa yeelay ma buuxinayaan shuruudaha Hey’adda dawooyinku u dhigtay tijaabooyinka noocaas ah. Xitaa Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay sheegeysaa in isbaaristaas ay aad u yartahay inta lagu kalsoonaan karo marka la barbar dhigo baaritaannada laamaha caafimaadka.
(kooxda TB-ga ee khatarta ku jirta)

Publicerades