Xadeyn iyo mamnuucid

Halkan waxaad ka heleysaa waxyaabo la ururiyay oo ku aaddan xadeynta iyo mamnuucidda laga dhaqangeliyay Iswiidhan, feyruska corona awgiis.
Uppdaterades

ID98

Talaabooyin iyadoo xeerka cudurka aafada la isticmaalaayo

Laga bilaabo Sibtembar 2021 waxa shaqeyn doona sharci cudurka aafada oo ku meel gaar ah. Waxay micnaheedu tahay in waxqabadyada qaarkood oo aanay khuseynin/dabooleynin sharci dejinta xakameynta cudurka aafada la xiri karo ama la xaddidi karo.

Xukuumadu waxay soo rogtey xayiraado dhowr ah iyadoo la kaashanaayo sharciga cudurka aafada.

Ilaa iyo muddo aan cayimneyn waa inaan wax ka badan sideed qof ay ka qeybqaataan isku imaadyada/isku ururida dadweynaha iyo kulamada guud. Booliisku ayaa baajin kara ama kala diri kara kulamada guud ee ay joogaan wax ka badan 8 ka qeybqaate.

Haddii isku imaadyada gaar lagu qabto lookaal xafladaha, lookaalada jaaliyadaha/ururada iyo goobaha kale ee la kireysto, waa in ugu badnaan sideed qof ay ka qeybqaataan.

Waxa taas ka reeban aaska, oo ay joogi karaan ilaa iyo 20 ka qeybqaate.

Haddii aad abaabulayso/qabanqaabinayso kulan jabinaaya mamnuucida ayaa lagugu xukumi karaa ganaax ama xabsi kaas oo ugu badnaan lix bilood ah.

Dukamada, jiimka, hoolalka isboortiga iyo barkada dabaasha waa inay tiriyaan tirada dadka soo booqanaaya si uu qof kastaa toban mitir oo laba jibbaaran ugu helo. Waa in waxqabadyadu ay leeyihiin calaamado si cad dadka soo booqdayaasha ah ugu sheegaaya/muujineysa inta qof ee loo oggol yahay inay qolka ku jiraan isla hal waqti.   

Waxa uu Länsstyrelsen u xilsaaran yahay in la hubiyo in xeerarka la raaco.

Kulan dadweyne

Kulan dadweyne micnahiisu waa:

  • kulamada ah mudaharaadyo ama sideedaba loo qabto in lagu wada-xaajoodo, lagu cabiro fikradaha ama soo bandhigid guud ama arrimo gaar ah
  • muxaadarooyinka iyo casharo la jeedinayo kuwaas oo loo qabtay waxbarasho ahaan ama loogu talogalay soo gudbin fikrado guud ama muwaadin ahaan
  • kulamada loo qabto diin ahaan
  • soo bandhigyada masrax, bandhigyada shaneemo, bandhig heeso iyo kulamada kale ee loogu talogalay in lagu soo gudbiyo alaab farshaxan ah
  • kulamada kale ee xoriyada kulanka lagu dhaqmayo

Xaflad dadweyne

Xaflad dadweyne micnaheedu waa:

  • tartamada iyo soo bandhigyada isboortiga, ciyaaraha iyo duulista
  • bandhigyada dhaansiga
  • bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga iyo xaflad
  • suuqyada iyo carwooyinka
  • kulamada xafladaha kale ee aan loo arkin kulamo dadweyne ama bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga

Iskoolada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha shakhsiga ah iyo booqashada dukaamada ma ku jirto arimahaas.

Waxyaabaha ka reeban ee xafladaha/munaasabadaha- dhaqanka iyo isboortiga

Laga soo bilaabo 1 noofembar ayay xafladaha dhaqanka iyo isboortiga lahaan karaan dadweyne daawanaaya oo fadhiya oo ugu badnaana 300 oo qof ah.

Si ay xaflad/munaasabad ugu hesho 300 oo ka qeybqaatayaal ah, waa in qof kasta oo ka mid ah dadweyneha daawanaaya uu haystaa kursi uu ku fadhiisto isagoo ugu yaraan hal mitir u jira ka qeybqaataha kale. Laba qof oo iyagu wada socda ayaa dabcan laga yaabaa in la geeyo meel ka dhow hal mitir.

ID10

Guryaha dadka waayeelka

Waxa ay Folkhälsomyndigheten soo rogi kartaa mamnuucidda booqashada ee maxaliga/meelaha qaar u gaarka ah ee guryaha waayeelka. Meelaha mumnuucida booqashooyinka maxaliga/meelaha qaar u gaarka ah lagu soo rogay ayaa waxqabadku uu awoodi doonaa inuu sameeyo kiisas/waxyaabo ka reeban oo uu tusaale ahaan u oggolaado booqashooyinka sayga, xaaska/oorida iyo lammaanaha. Waxa uu xeerka u oggolaanaaya amarka xayiraaddu dhaqangalayaa taariikhda 21 Noofembar isagoo shaqeynaaya ilaa iyo febraayo 2021 sida laga soo xigteyregeringen. (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

La xiriir guriga waayeelka ee ay khuseyso si aad ugu ogaato waxa booqashooyinka khuseeya. Qofka waxqabadka wada ayaa mas'uul ka ah inuu hubiyo inaanu fayrusku soo galin oo uuna dadka degan iyo shaqaalaha ku faafin. Dadka qaraabada iyo dadka degan ayaa sidoo kale mas'uul ka ah si loogu xadido faafitaanka fayruska iyo raacitaanka taloda guud.

Folkhälsomyndigheten waxyaalaha ku saabsan si looga hortago faafitaanka marka la booqanaayo guryaha dadka waayeelka (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

ID120

Shuruud tijaabo negatif ah/inaan la qabin covid-19 oo laga rabo dadka ajaanibka ah.

Muwaadiniinta ajaanibka ah ee 18 sanno jirka ah  ama waxa ka weyn ayay guud ahaan saaran tahay xayiraad/mamnuucid soo galitaanka Iswiidhan ah haddii aanay muujin karin shahaado natiijo tijaabo muujinaysa inaan la qabin/negatif ah covid-19. Waa inay ugu badnaan 48 saacadood ay ka soo wareegeen inta u dhaxaysa marka tijaabada lagaa qaaday iyo marka xadka laga gudbaayo.

Dadka shaqada maalinkasta ugu safra iyo dadka xadka ka shaqeeya ayaa tusi kara tijaabo ugu badnaan hal todobaad ah. Waxay xeerarka cusubi kaabayaan xayiraadii soo gelitaanka ee hore ugu jirtay.

Tijaabooyinka noocan ah ayaa la ogol yahay: Tijaabooyinka hide-sidaha (Antigen), tijaabada PCR-ka iyo tijaabada LAMP-ka. Waa inuu macluumaadku ku cad yahay af Iswiidhish, Ingiriisi, Norwiiji ama Deenish.

Wax dheeraad ah ka sii akhriso  Folkhälsomyndigheten  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID14

Soo galitaan Midowga Yurub oo laga mamnuucay wadamada ka baxsan  

Xayiraada ayaa saaran safarada aan muhiimka aheyn ee Iswiidhan loogaga imanaayo wadamada ka baxsan Midowga Yurub. Waxay xayiraadu shaqeynaysaa ilaa 31 Maarso 2021.

Muwaadiniinta Iswiidhishka ah iyo muwaadiniinta dalalka kale oo Midowga Yurub/EES ayaanay khuseynin mamnuucida soo gelitaanku. Waxa xitaa sidoo kale jira waxyaabo kale oo badan oo ka reeban mamnuucida soo gelitaanka, taas oo ay ka mid yihiin haddii wadamada qaar loo arko inay leeyihiin khatar yar oo faafitaanka fayruska ah. Dadka ku nool dalalkaas ka reeban ayaa Iswiidhan u soo safri kara haddii ay tusaan tijaabin covid-19 ah oo muujinaysa inaan la qabin/negatif ah.

Macluumaadka Booliiska ee ku saabsan xayiraada soo gelitaanka iyo waxyaabaha ka reeban (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Su'aalaha iyo jawaabaha Wasaaradda Caddaaladda ee ku saabsan mamnuucida soo gelitaanka ee Midowga Yurub iyo Iswidhan (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Baaritaanka/kantaroolka xadka Iswiidhishka ah ayaa go'aaminaaya sida ka reebanaanta loo turjumaayo iyo noocyada go'aamada la gaaraayo, laakiin waa masuuliyada qofka musaafirka ah inay baaritaanka xadka u cadeeyaan xaqa ay u leeyihiin ka reebanaanta. Waxa sidaas darteed loogu baahan yahay in tusaale ahaan la tusi karo cadeyn shaqo ama warqad laga soo qaatay diiwaanka qaranka. 

Ka imaanshaha wadamada Yurub gudaheeda 

Waxa hadda si ku meel gaadh ah u jirta soo galitaanka Iswiidhan oo laga mamnuucay ka imaanshaha Boqortooyada Ingiriiska, Denmark iyo Norway ee dadka ajaanibka ah.

Waxa taas laga reebi doono waxa ka mid ah, sida: 

  • Qofka ka shaqeeya ama ku nool Iswiidhan oo loo oggolaanaayo inuu Danmark ka soo safro.
  • Carruurta u soo safreysa si ay waalid ku nool Iswidhan ula kulmaan iyo cidda carruurta wadda.
  • Qofka la socda/la safraaya gaadiidka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka.

Dadka ajaanibka ah ee waa inay sidoo kale tusi karaan natiijo tijaabo oo muujinaysa inaan la qabin/negatif ah ka hor inta aan loo oggolaan inay Iswiidhan soo galaan.

Haddii aad waddanka dibadiisa joogtey

Waxa boqortooyada Ingiriiska, Koonfur Afrika, Baraasiil iyo Norway ka jira noocyo cusub oo fayruska covid-19 keena. Haddii aad dhowaan joogtay mid ka mid ah wadamadaas waa inaad:

  • guriga joogto ugu yaraan toddoba maalmood.
  • iska ilaaliso inaad la xiriiro dadka kale ilaa iyo inta la kari karro.
  • iskugu tijaabi sida ugu dhakhsaha badan ee ka dib markaad Iswiidhan timaado iyadoo aad tijaabo xigta iska qaadayso shan maalmood ka dib.

Sidoo kale dadka qoyska intooda kale waa inay guriga iska joogaan ilaa inta natiijada tijaabada la sugaayo.

Talooyinka loo soo jeedinaayo qofka ka soo  safraaya ama ka soo safray wadamada leh nooca fayruska ee cusub  (ku qoran af Iswiidhish)

ID30

Goobaha adeega

Dhamaan goobaha adeega/Makhaayadaha waxa saaran mas'uuliyad ay tahay inay qaadaan tallaabooyin loogaga hortagaayo faafitaanka covid-19. Waxyaalaha soo socda ayaa shaqeynaaya:

  • Ugu badnaan afar qof ayay tahay inay miis wada fariistaan. Taasi waxay shaqeynaysaa laga bilaabo taariikhada 24 Diisembar.
  • In la bixiyo cabitaanada khamrada leh iyo cabitaanka laga diyaariyey waxyaalaha khamrada la midka ah ayaa mamnuuc ah laga bilaabo saacada 20.00. Taasi waxay shaqeynaysaa laga bilaabo taariikhada 24 Diisembar.

Goobaha adeega waa inay sidoo kale:

  • ay hirgeliso tallaabooyin si looga fogaado in saxmad/ciriiri badan dadka dhexdiisa ka yimaado safafka, miisaska, bufeega/cuntada iyo sharaabka miiska weyn laga soo gurto yaala ama miiska baarka.
  • hubiso in soo booqdeyaashu ay ugu yaraan hal mitir ka fogaan karaan dadka kale.
  • kaliya cuntada iyo cabitaan u geeya dadka martida ee fadhiya miiska ama miiska baarka.
  • haddii ay suurtogal tahay martida u ogolaada inay iyagu cuntadooda iyo cabitaankooda dalbadaan oo ay qaataan, ilaa inta aanay taasi keeni karin saxmad/ciriiri badan ama saf.
  • bixinaay fursada gacmaha saabuun iyo biyo loogu dhaqaayo ama bixinaaya isbiirtada gacmaha.
  • ku wargaliyaan soo booqdayaasha sida ay u yarayn karaan halista faafitaanka cudurka.

Kamuunada ayaa mas'uul ka ah kormeerida goobaha adeega. Haddii aad dareemeyso inaan xeerarka la raaceynin ayaad la soo xiriiri kartaa kamuunka ay goobta adeegu ku taalo.