Macluumaad gobaleed ku aaddan fayruska corona

Halkan waxaan ku ururineynaa macluumaad cusub oo ka socda hey’adaha dowliga ah ee goballada, oo ku aaddan faafitaanka cudurka iyo tallaabooyin khuseeya dillaacidda covid-19. Haddii aan wax kale la sheegin waxay isku xirayaashu kuu gudbinayaan macluumaad af-Iswiidhish ah.

TB19c Blekinge

R1 Heerka diyaargarowga ayaa hoos loo dhigay laakin ruutiinka waxba lagama beddelin (2020-09-10)
Gobalka Blekinge hoos ayuu u dhigayaa diyaargarowgiisa ku aaddan maareynta aafada corona. In diyaargarowga hoos loo dhigo kama dhigna in qaabilaadda bukaanka qaba covid-19 horay laga beddelayo. Ruutiinnada gaarka ah ee ka dhashay covid-19 sidoodi ayey u sii shaqeynayaan, ayuu gobalku leeyahay.

TB19d Dalarna

R2 Daneynta aadka u weyn ee cudur iska baariddu waxay keeneysaa waqtiga sugitaan oo dheeraada (2020-09-07)
Gobalka Dalarna wuu kordhiyay tirada waqtiyada cudurka leeska baari karo, laakin dadka daneynaya weli waa ay badanyihiin. Dad badan waxay qabaan hargab, waxayna rabaan in ay ballansadaan baaritaanka PCR-ka. Waxay taasi keeneysaa in ay waqtiga saami qaadidda sugi karaan dhawr maalmood. Qofki xanuun fududi hayo maaha in uu wacyo rugta caafimaadka si uu ballan u qabsado ee waa in uu taas beddelkeeda ballan ku dhigtaa app-ka Min Vård Dalarna, ayey qeybta ka hortagga cudurrada faafa ee gobalku leedahay. Wax dheeraad ah oo gobalka ku aaddan ka akhriso barta intarneetka

R3 Carruurta leh calaamado cudur waxaa habboon in la baaro (2020-09-07)
Xarunta ka hortagga cudurrada faafa ee Gobalka Dalarna waxay ku talineysaa in carruurta fasalka dugsiga xannaannada iyo wixii ka sarreeya laga qaado saami laga baarayo infekshin covid-19 oo markaas haya haddii ay calaamado cudur leeyihiin. Carruurta sii yar-yar waa in ay hor iyo horraan guriga joogaan iyadoo aan saami laga qaadin.

TB19e Gotland

R4 Carruur iyo dhallinyaro badan wey welwelayaan inta ay aafadu socoto (2020-09-10)
Gobalka Gotland wuxuu faafiyay diraasad ku saabsan aragtida carruurta iyo dhallinyarada ee ku aaddan aafada corona. Kuwi wareysiga laga qaaday badankoodu waxay ka welwelsanaayeen qaraabada da’da ah, qaarna waxay ka welwelayeen waaliddiinta ka midka ah kooxda khatarta ku jirta. Dhibaato soo noqnoqota waa caafimaad darrada xagga dhimirka oo ay aafadu uga sii dartay.

TB19f Gävleborg

R19 Halkan waqtiga iminka ah kuma jiraan wax macluumaad cusub ah oo la faafiyay.

TB19g Halland

R5 Saami iska qaadidda carruurta jirta laga billaabo lix sano (2020-09-10)
Gobalka Halland waxaa laga dhex billaabay saami iska qaadis loogu tala galay carruurta jirta laga billaabo lixda sano. Saami qaadista waxaa la sameynayaa iyadoo la kaashanayo waalidka ama qofka canugga mas’uulka ka ah. Haddii ay suurta gal tahay waxaa habboon in canugga loo qaado goobta saamiga lagu qaadayo.

TB19h Jämtland Härjedalen

R6 Basaska saami qaadista awooddooda waa la kordhiyay (2020-09-09)
Awoodda waxa loogu yeero basaska saami qaadista waa la kordhiyay daneynta baaritaannada awgood, ayaa lagu qoray mid ka mid ah war saxaafadeedyada. Dad badan waxay is weydiinayaan ilaa inta lagu kalsoonaan karo baaritaan isku sameynta. Sida uu gobalku qabyo qaabka isbitaalku wuxuu soo saaraa natiijo la mid ah kuwa ka soo baxa saamiyada qof iska qaadyo.

TB19i Gobalka Jönköping

R19 Halkan waqtiga iminka ah kuma jiraan wax macluumaad cusub ah oo la faafiyay.

TB19j Gobalka Kalmar

R7 Booqasho intii hore ka yar oo lagu yimaado rugaha xaaladaha degdegga ah iyo caafimaadka aasaasiga ah (2020-09-09)
Aafadu wey saameysay laamaha caafimaadka iyadoo keentay booqashada oo ka yaraatay rugaha xaaladaha degdegga ah iyo tusaale ahaan caafimaadka aasaasiga ah. Isla mar ahaantaasna wicitaanka 1177 wuu kordhay, digital-gareynta adeegyada caafimaadkuna horay ayuuba u boodyay, ayuu qorayaa Gobalka Kalmar.

TB19k Kronoberg

R19 Halkan waqtiga iminka ah kuma jiraan wax macluumaad cusub ah oo la faafiyay.

TB19l Norrbotten

R8 Ku dhaqmid la’aan intii hore xagga dadka da’da ah iyo dhallinyarada iskoollada (2020-09-08)
Guddiga gobalka Norrbotten wuxuu ku warbixiyay in ay yaraatay ku dhaqmidda talooyinka ee dadka da’da ah iyo dhallinyarada iskoollada. Laakinse ku dhaqmiddu waa ay sarreysaa dadka da’da ah ee raaca gaadiidka dadweynaha.

TB19m Skåne

R9 Meelo badan ayaa dadku isku baari karaan (2020-09-07)
Skåne waxaa ka dhex jira meelo fara badan oo leesaga baari karo covid-19. Marka laga reebo isbaaridda oo uu wakiil ka soo qaadi karyo farmashiga, waxaa sidoo kale iminka suurta geli karto in qofku uu keligiis isku baaryo goob saami qaadid oo aad gaari ku tegeysid. Wax dheeraad ah ka akhriso barta intarneetka 1177 ee Skåne

TB19n Stockholm

R19 Halkan waqtiga iminka ah kuma jiraan wax macluumaad cusub ah oo la faafiyay.

TB19o Sörmland

R19 Halkan waqtiga iminka ah kuma jiraan wax macluumaad cusub ah oo la faafiyay.

TB19p Uppsala

R10 Hey’adda gaadiidka gobalku waxay sheegeysaa waqtiyada bixitaannada ee ay habboontahay in laga fogaado (2020-09-08)
Barta intarneetka ee gaadiidka dadweynaha ee ul.se waxay muujineysaa bixitaannada basaska iyo tareennada ee ay habboontahay in uu qofku ka fogaado ilaa inta leesku boorrinayo in masaafo leesu jirjirsado, ayuu qorayaa Gobalka Uppsala.  

TB19q Värmland

R11 Waa suurta gal in baaritaan loo dalbo carruur (2020-09-11)
Gobalka Värmland waxaa kor loo qaaday fursadaha lagu dalban karo baaritaannada carruurta u dhexeysa 6 ilaa iyo 15 sano iyadoo taas loo marayo adeegga elekteroonigga ee 1177.se.   

TB19r Västerbotten

R12 Saami iska qaadid waa suurta gal iyadoo aan bank-ID la haysan (2020-09-09)
Laga billaabo usbuuca soo socda waxaa suurta gal u noqoneyso dadka aan haysan bank-ID-ga in ay isbaaraan iyagoo kaashanaya saami iska qaadid, ayuu qorayaa Gobalka Västerbotten. 

R13 Carruurta leh calaamado cudur waxaa habboon in la baaro (2020-09-04)
Gobalka Västerbotten gudihiisa waxaa lagu talinayaa in saami laga qaado carruurta lix jirrada ah iyo wixi ka weyn ee leh calaamado cudur, sida uu qabyo Hagaha 1177. Xarumaha caafimaadka iyo aqallada bukaanka ee gobalka uma suurta gal aha iminka in ay saami ka qaadaan carrur leh calaamado hargab oo fudud.

TB19s Västernorrland

R14 Waa la dalban karaa xermada saami qaadidda ee carruurta (2020-09-09)
Iminka waa la dalban karaa xermada saami qaadidda ee carruurta jirta laga billaabo lix sano ee leh calaamado cudur. Qof weyn ayaa loo baahanyahay in uu caawiyo, ayuu qorayaa Gobalka Västernorrland.

TB19t Västmanland

R19 Halkan waqtiga iminka ah kuma jiraan wax macluumaad cusub ah oo la faafiyay.

TB19u Västra Götaland

R15 Maareynta gobalka qiimeyn ayaa lagu sameyn doonaa (2020-09-08)
Guddiga gobalka ee Västra Götaland wuxuu Cilmi baarista degmada ee Galbeed Iswiidhan (KFi Väst) u oggolaaday in ay qiimeyn ku sameyso sidi uu Gobalka Västra Götaland u maareeyay aafada corona.  

TB19v Örebro

R16 Koror welwel leh oo ku aaddan tirakoobka dembiyada (2020-09-09)
Guddiga gobalka Örebro wuxuu soo gudbiyay warbixin ku aaddan kor u kac ku yimid tirakoobka dembiyada oo waqti ahaan ku beegan aafada corona. Tusaale ahaan ashtakooyinka ku aaddan gacan u qaadidda carruurta iyo xoogitaannadu wey soo kordheen.

R17 Ka fogaw safarrada adeegga marka ay jirta saxmada gaadiidka (2020-09-08)
Baahida loo qabo in la raaco gaadiidka adeegga, safarrada bukaanka iyo iskool arday u qaadid la waafajiyay duruuftu wey korortay waqtigi ugu dambeeyay. Waxaa sii fiican in laga fogaado safarrada adeegga waqtiyada saxmadu jirto, ayuu qorayaa Gobalka Örebro.

TB19w Östergötland

R18 Ha ku degdegina saami qaadidda carruurta leh calaamado cudur oo khafiif ah (2020-09-09)
Dad badan waxay la xiriirayaan Gobalka Östergötland iyagoo qaba su’aalo ku aaddan saami qaadidda carruurta iyo dhallinyarada. Hey’adda ka hortagga cudurrada faafa waxay waaliddiinta ku boorrineysaa in aysan ku degdegin la xiriiridda laamaha caafimaadka si saami looga qaado carruur leh calaamad hargab oo fudud.

Publicerades