Safarrada gudaha iyo gaadiidka dadweynaha

Faafitaanka ballaaran ee feyruska cusub ee corona wuxuu keenayaa in xaaladda rakaabka iyo musaafiriinta ay degdeg isu beddeli karta. Waxaa halkan ku jira macluumaad ku saabsan waxa aad adigu ka musaafir ahaan u baahantihid in aad ka fikirtid. Adiga naftirkaaga ma’uuliyad ayaa kaa saa-ran in aad waxa dhacaya la socotid oo aad go’aan gaartid adiga oo wax og.

ID8

Ka fikir haddii safarku run ahaanti yahay mid lagama maarmaan ah

Iyadoo ay sabab u tahay faafidda faayraska karoona waxay Hey’adda arrimaha caafimaadka ku talinaysaa in aad looga fikiro safarrada ayaamaha fasaxa la qorshaystay ama safarrada kale ee gudaha Iswiidhan ay run ahaantii yihiin lagama maarmaan in la sameeyo. Qofka xanuusanaya gebi ahaanba maaha inuu safro. Wax dheeraad ah ka akhriso Hey’adda caafimaadka bulshada.

ID18

Ka fogaw safarrada dhaadheer iyo raacitaanka gaadiidka dadweynaha


Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay dadka oo dhan kula talineysaa in laga fikiro in safar dheer oo Iswiidhan lagu dhex galo uu lagama maarmaan yahay iyo in kale. Si ahaan waxaa taas looga golleeyahay in la yareeyo faafitaanka cudurka ee qeybaha kale ee waddanka laakin sidoo kale si aadan culeys ugu kordhin laamaha caafimaadka ee gobal kale oo aan ahayn kan aad ka tirsantihid. Sidoo kale ka fogaw in aad raacdid gaadiidka dadweynaha. Haddii aad xanuunsantihid waxaad u baahantahay in aad gurigaaga si aamin ah ku aaddid adigoo aan dadka kale khatar ku gelin in aad cudur qaadsiisid.


Safarrada gaagaaban ee hal ilaa laba saacadood gurigaaga u jira waa OK ilaa inta aadan xanuunsaneyn. Laakin ha illoobin in aad yareysid xiriirradaada bulshanimo, dadka kale masaafo u jirso, kana fogaw meelaha dadka badan isugu imaanayaan.

ID11

Marka laga hadlayo safarrada gudaha iyo gaadiidka dadweynaha?


Shirkado gaadiid oo fara badan waxay bogaggooda intarneetka ku hayaan macluumaad ku aaddan xaaladda feyruska cusub ee corona. Si aad macluumaad uga heshid khadadka ama masaafooyinka aad ku safreysid, booqo bogga intarneetka ee markaas iyaga khuseeya.

ID12

Taas ku fikir inta aadan raaci tareen, bas ama taksi:

  • Mar walba raac talooyinka guud ee ku aaddan sida aad u badbaadineysid naftaada iyo tan dadka kalaba. Guriga joog haddii aad buktid, in badan gacmaha dhaq, ku qufac laabatada xusulka, kana fogaw in aad taabatid indhaha, sanka iyo afka.
  • Masaafo u jirso musaafiriinta kale.
  • Akhriso bogagga intarneetka ee shirkadda maamuleysa gaadiidka. Waxay lahaan karaan qaabab la raaco oo u gaar ah.
  • Safarka ka dib mar kasta gacmaha dhaq. Jeermis dilaha gacmaha la marsado ayaad beddel ahaan isticmaali kartaa haddii aysan kuu suurta geleyn gacma dhaqiddu.

 

Publicerades