Haddii aad welwel qabtid

Waa wax caadi ah in la dareemo welwel, niyad jab ama cadaadis inta lagu jiro xaaladda adag. Dad badan waxay dareemayaan welwel caafimaadkooda ama xaaladdooda nololeed la xiriira, ama waxaa laga yaabaa in ay u welwelsanyihiin caafimaadka ama nolosha cid kale. Boggan waxan kuugu ururinnay adigaaga welwelka dareemaya ama raba in aad ogaatid sida aad u daryeeli kartid caafimaadkaaga iyo kan dadka kale ee xagga maskaxda la xiriira inta waqtigan lagu jiro.

ID17

Haddii aad welwel dareemeysid feyruska corona awgiis


Marka aan yareyno xiriirka aan dadka kale la leennahay waxay taasi keeni kartaa in aan dareenno kelinimo, niyad jab iyo welwel. Waxaan sidoo kale dareemi karnaa welwel iyo baqdin ka qabi karnaa in nala qaadsiiyo feyruska ama in la qaadsiiyo cid xigtadeenna ka mid ah. Isbeddellada ka dhex dhaca bulshada ee uu cudurkan dillaacay keenayo, waxay dad badan u keeni karaan welwel iyo jihawareen iyo dareen xoog badan oo ku aaddan in aanan ogeyn sida xaaladdu u sii soconeyso. Markaas waxaa fiican in la xasuusto in xaaladda laga gudbayo.
Dadka oo dhan siyaabo kala duduwan ayey waqtiyada welwelka uga falceliyaan. Haddii aad dareemeysid welwel aad u badan, niyad jab, ay kugu adagtahay in aad huruddid ama aysan maskaxdaada ka baxeynin fikradaha ku aaddan feyruska, waxaa jira dhawr waxyaabood oo aad sameyn kartid si aad u maareysid welwelkaaga iyo cadaadiska.

  • Intii suurta gal ah sii wado ruutiinyadaadi caadiga ahaa.
  • Isku day in aad ku mashquushid waxyaabo aad wacnaan ku dareemeysid.
  • Haddii aad dareemeysid in wararku ay welwel ku sii gelinayaan ama ay wacnaashadaada wax u dhimayaan - isku day in aad yareysid waqtiga aad daawatid ama dhegeysatid wararka iyo waqtiga aad adeegsatid baraha bulshada.
  • Waqtiyada ay xaaladaha ad-adagi jiraan waxaa la faafiyaa macluumaad aad u khaldan oo welwelka gacan ka geysanaya. Waa muhiim in aad macluumaadkaaga ku saabsan covid-19 ka soo qaadatid ilo lagu kalsoonyahay.
  • Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad ka hadashid welwelkaaga. Cid aad ku kalsoontihid la hadal ee u sheeg sida aad dareemeysid. Haddii aad sii jeclaan lahayd in aad la hadashid cid dadkaaga ka baxsan waxaa jira ururro badan oo khadka taleefanka, wadasheekeysiga intarneetka ama e-mail taageero ku bixiya.

Bogga Laanqeyrta Cas waxaad ka heli kartaa talo ku aaddan sida aad isu caawin kartid marka ay cabsido kaa badato. Laanqeyrta Cas waxay sidoo kale furtay khad taleefan oo taageero ah halkaas oo aad wici kartid, kulana hadli kartid Iswiidhish ama Ingiriis haddii aad cadaadis iyo welwel ka dareemeysid dillaacidda feyruska cusub ee corona: 0771-900 800. Taleefanka taageeradu wuxuu furanyahay maalmaha shaqada inta u dhexeysa saacadaha: 12-16.
Badbaadi Carruurtu waxay heysaa macluumaad la ururiyay oo ku saabsan sida welwelka feyruska corona looga yareyn karo carruurta iyo waaliddiinta.

Publicerades