Carruur iyo waaliddiin
ID23
Ku socda carruurta iyo dhallinyarada – taageero Iswiidhish ah
Haddii aad ka welwelsan tahay ama aad qabtid wax su'aalo ah oo fayruska korona ku saabsan ayaad soo wici kartaa ama qoraal kula sheekaysan kartaa/Internet chatt BRIS stödlinje för barn. Waxay leeyihiin lambarka telefoonka ee 116 111 waxaad halkaasna kula hadli kartaa la taliye. Khadka taageerada iyo Internet chatt-kuba waxay furan yihiin maalin kasta saacadaha 9-12 iyo 14-21. Waxaad sidoo kale suurtogal ah in emayl loo soo diro BRIS.
BRIS waxay liis-gareysay su’aalaha iyo jawaabaha caadiga ha ee ku aaddan feyruska corona
Talooyinka iyo tilmaamooyinka Badbaadi Carruurta ee ku socda carruurta ka welwelsan feyruska corona
UMO: Talooyinka ku saabsan sidii aad wacnaan u dareemi lahayd marka aad guriga in badan joogtid
ID24
Ku socota waaliddiinta iyo dadka kale ee waaweyn - Sidan ayaad carruurta ugala hadleysaa covid-19
- Xaaladda eeg. Baar inta uu canuggu ogyahay iyo waxa uu dareemayo.
- Su’aalo ku dhiirri geli. Canugga keligiis ha u deynin fikradihiisa.
- Canugga rejo geli. Dad badan waxay iminka ka shaqeynayaan si xaaladda loo xalliyo.
- Ha u gudbinnin welwelkaaga. Ka duul waxa u canuggu isweydiinayo oo uu baahanyahay.
- Isku day in aadan wax ka beddelin ruutiinka maalinlaha ah. Deji oo kala hadal wax kale oo aan feyruska ahayn.