Shaqaale, shaqabixiye iyo shirkado

Maxaa dhacaya haddii aad xanuunsatid oo aadan shaqeyn karin? Maxay tahay caawimaadda dhaqaale ee aan heli karo haddii aan shirkadle ahay? Boggan waxan ku ururinnay isku xirayaal ku aaddan macluumaadka hey’adaha dowladda ee tusaale ahaan ku saabsan shirkadaha, shaqaleysiinta iyo jirro ku maqnaashada.

ID28

Shaqabixiye

Shaqa bixiyayaasha fursadda u heysta in ay shaqaalaha u oggolaadaan in ay guriga ka soo shaqeeyaan wey ka fikiri karaan in ay taas ku taliyaan. In fogaansho laga soo shaqeeyo waxay yeelan kartaa saameyn hoos u dhigeysa faafitaanka, sidaasna culeyska uga dejineysa laamaha caafimaadka, gaar ahaan gobalka Stockholm.

ID29

Talooyin guud oo loogu tala galay meelaha ay hawluhu ka socdaan

Cid walba waxay mas’uuliyad ka saarantahay in ay ka hortagto faafitaanka cudurka covid-19. Hey’adda caafimaadka bulshadu waxay soo saartay talooyinka guud ee soo socda ee ku jiheysan meelaha hawluhu ka socdaan ee Iswiidhan:

  • Si qoraal ah macluumaadka ugu muuji booqadayaasha, shaqaalaha iyo macaamiisha.
  • Dhulka ku calaamey masaafada la isu jirsanayo meelaha ay dhici karto in saf lagu galo.
  • Alaabta meesha u dhig si ciriiri ka fogeyneysa.
  • Kulamada digital ka dhig.
  • Hubi in gacmaha lagu dhaqi karo saabuun iyo biyo ama la isticmaali karo jeermis dilaha gacmaha la marsado.
  • Xadey inta qof ee isku hal mar goobta joogi karta.

ID30

Talooyin ku socda maqaayadaha iyo meelaha lagu sharaabo

Si loo yareeyo faafitaanka covid-19 waxaa sidoo kale baararka, biibitooyinka iyo maqaayadaha khuseeya sharciyo cuscusub.

  • Maaha in ay dadka ciriir ku noqdaan safafku, miisasku ama meelaha cuntada lagu soo gurto ama miisaska lacagta lagu bixiyo, booqadayaashu waa in ay masaafo isu jirsan karaan.
  • Booqadayaashu waa in ay iyagoo miis fadhiya wax cunaan, waxna cabaan. Shaqaaluhu waa in ay waxyaabaha la dalbaday dadka u geeyaan.
  • Haddii ay suurta gal tahay in martidu ay cuntada iyo cabitaanka dalbato oo ay qaadato waa la oggolyahay taas, ilaa inta aysan taasi keeneyn ciriiri ama safaf.
  • Cuntada la qaadano waa caadi, ilaa intii sidaas la samayn karo iyadoo ay bilaa ciriiri tahay dadka dhexdooda.
  • Maqaayadaha iyo meelaha ku yaal meelaha ciyaaraha barafka lagu qabsado xeerarka wey soo gelayaan.
Publicerades