Macluumaadka cusub ee la xaqiijiyay kuna saabsan faayraska karoona

Waxaa gudaha Iswiidhan ka socota faafida cudurka faayraska karoona. Hey’adda arrimaha caafimaadka waxay ku baraarujinaysaa dadka leh calaamado iyo dadka ka weyn 70 sano inay iska ilaaliyaan xiriiryada bulshada. Wasaarada arrimaha dibeda waxay ka digeysaa dhamaan safarada aan ahayn lagama maarmaan ee lagu tagayo dalalka oo dhan. Halkan waxaa ku jira macluumaad meel la isugu geeyay oo ka socda hey’ado mas’uul ah.

Khadka telefoon cusub ee warbixinta Coronavirus

Waxaa hadda jira khad taleefoon oo ay xoojinayaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka (hälso- och sjukvårdspersonal) kuna hadlaya af carabi, af iiraan, soomaali, amarinja/tigree iyo af ruush. Khadkaan ayaad soo garaaci kartaa si aad jawaab ugu heshid su`aalaha ku saabsan karoono-fayruska, luqadaadana aad ku heleysid.

Khadka telefoonka lambarkiisu waa: 08-123 680 00 khadkuna wuxuu furanyahay maalmaha shaqada inta u dhaxeysa 09:00–12:00 iyo 13:00–15:00

Qofka khadkan soo garaaca cod ingiriis ah oo uu dabasocdo mid carabi ah ayuu maqlayaa kadib ayuu luqadda uu rabo dooran karaa. Marka khadka telefoonka waqtiisu xiran yahay waxaa ku duuban farriin luqadaha ingiriiska iyo carabiga ku hadlaya waqtiyada khadku furan yahay, kuuna tilmaamaysa 1177 iyo 112.

Uppdaterades