Khatarta dabka iyo biyo la'aan

Waxa uu xagaaga Iswiidhan badiyaa ka dhigan yahay khatarta dabka iyo biyo la'aan labadaba. Halkan ayaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan waxay tahay inaad ka fikirto iyo taloda aad raacayso.
Uppdaterades

Had iyo jeer ka digtoonow markaad dab ka shidayso duurka - xitaa markaad isticmaalayso jikooyinka meela laysugu yimaado ee taambuugyada la dhisto (campingskök), dabka la qaadan karo ee wax lagu dubto ama goobaha dabka loogu talagalay. Marka ay abaarta tahay, waxaa aad muhiim u ah in aad si dheeraad ah uga taxaddarto. Raac talooyinka boggan si aad u yarayso khatarta ah inaad dab adigu sababto kaas oo dhaawacaya dad ama hanti. Leenka qoraalku wuxuu kuu gudbinayaa macluumaad ku qoran luqadda iswiidhish ama luqadda ngiriiska.

Goorma ayaa la mamnuucayaa dab shidida?

Xilliyada abaarta degmooyinka ama maamulada gobolada ayaa soo saaraya inay mamnuucaan dab shidida. Xitaa haddii aanay mamnuuc ahayn in dab la shido hadana khatarta dabka ayaa noqon karta mid saraysa. Soo ogoow in laga ogolyahay meesha aad joogto in dab laga shidi karo. Haddii aad dab shido iyadoo ay mamnuuc tahay, waa lagu ganaaxi karaa.

Haddii aanad hubin waxa khuseeya?

Booqo bogga websaydka degmada ama la xiriir adeegga dab damiska ee meesha aad joogto, Liiska degmooyinka Iswiidhan. 

Mamnuucida dab dhidida iyo mamnuucida dab shidada la adkeeyey - waa maxay faraqa u dhexeeyaa?

Waxaa jira laba heer:

Markay tahay mamnuucid dab shidid, laguuma ogola adiga inaad dab ka shido meel u dhow kaynta/duurka iyo dhulka. Laakiin waa la ogolyahay in aad wax ku dubato dhulka aad adigu leedahay ama wax la mid ah iyo meelaha loogu talagalay ee diyaarsan ee laga heli karo meelaha guud ee caamka ah qaarkood.

Markay tahay mamnuucid dab shidida la adkeeyey, waa mamnuuc in wax lagu dubto meelaha joogtada ah ee guud ee caamka ah qaarkood. Waa laguu ogolyahay inaad dab ka shido dhulka aad adigu leedahay si aad wax ugu dubato ama wax la mid ah, waa haddii aad u samayso si badbaado leh iyada oo aanay khatarta dabku fidin oo keliya.

Bogga Krisinformation.se waxaa ku yaala khariidad muujinaysa meelaha dab shididu ka mamnuuca tahay . Dab shididu waa ka mamnuuc meelaha midabkoodu guduudka ama liimiga/oranjiga yahay.

Hubi khatarta dabka

Haddii dabku faafo - wac 112

Haddii dabku sii faafo markaad dabka shido, waa inaad isla markiiba wacdaa 112. Haddii sida ugu dhakhsaha badan ay adeegga dab damisku ku ogaadaan inuu dab kacay, way u fududaanaysaa inay damiyaan dabka.

Macluumaadka khadka telefoonka: 113 13

Haddii ay dhacaan shilal halis ah, waxaa muhiim ah in la raaco warbixinta booliiska. Adeegga dab damiska iyo baaqyada hay’addaha kale

  •  Wac 113 13 haddii aad wax su'aalo ah ka qabto xaaladaha adag.
  • Macluumaad dhowr luqadood ka qoran ayaa laga heli karaa kanaalka luqaddaha qalaad ee Raadiyaha Iswiidhan.

Ka fogow meelaha gubtay

Markuu dab kaco kadib, waxay noqon kartaa khatar in la maro meeshii gubatay. Geeduhu way soo dhici karaan iyagoo dab leh oo dhulka ayey muddo dheer ooli karaan marka dabka la damiyo kadib.

Ku saabsan ogeysiisyada Muhiimka ah

Haddii dabku khatar geliyo nolosha iyo caafimaadka dadka, hogaamiyaha dab damiska ayaa soo saari kara fariin muhiim ah oo ku socota dadweynaha

Waxaa lagu soo gudbiyaa iyadoo la adeegsanayo

  • Raadiyaha iyo telefishinka qaranka
  • warbaahinta kale iyo
  • bogga Krisinformation.se.

Digniintu waxay kuugu imanaysaa SMS ahaan telefoonkaaga haddii aad joogto meesha uu dabku ka kacay.

Halkan ayaad ka akhrisan kartaa warbixin badan oo ku saabsan fariimo muhiim ah

Khatarta dabka iyo biyo la'aan 

Waxa uu xagaaga Iswiidhan badiyaa ka dhigan yahay khatarta dabka iyo biyo la'aan labadaba. Halkan ayaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan waxay tahay inaad ka fikirto iyo taloda aad raacayso.  

Biyaha la cabo iyo biyo la'aan 

Marka qadar roobka iyo baraf ah oo ka yari ay da'aan ayaan biyaha dhulka hoostiisa ku jiraa sidii la rabay u buuxsamin. Waxay tani keeni kartaa inaad biyo yaraani timaado. Markaa waxa muhiim ah in biyaha la cabbo la tashiilo.

Markaas waa inaad biyaha tashiisho:

  • Qubays ka gaaban qaado.
  • Qasabadda xir marka aanad isticmaalayn, tusaale ahaan marka aad saabuunta is marineyso ama aad cadayanayso.
  • Weelka ha ku dhaqin biyaha oo socda ee kaliya mashiinka weelka ku shid uun marka uu buuxsamo.
  • Biyaha la cabo ha ku waraabin dhirta, ee taas beddelkeeda soo ururi biyaha roobka oo ku waraabi.
  • Dhirta waraabi marka ay waxoogaa ka qabobdahay.
  • Biyaha la cabo ku kaydi talaagadda/qaboojiyaha, markaas ayaanad u baahan doonin inaad biyaha wax badan furto si aad ugu hesho biyo qabow.

Haddii aan qasabada laga helaynin biyo la cabbo ayuu maamulka degmadu ama waaxda dab-damisku meelaha ay saameysay taangiyo biyo ku jiraan dibada dhigayaan. Waxa laga yaabaa inaad u baahan inaad shirkaan leedahay si aad biyaha guriga ugu qaadato. Ku talogal inaad u baahantahay inta u dhaxaysa saddex iyo shan litir oo biyo ah qofkiiba maalintii. 

Mamnuucista waraabinta

Soo ogow haddii ay mamnuucista waraabintu ka jirto meesha aad joogto. Waxaad taas ka ogaan kartaa maamulka degmada. Marka ay mamnuucista waraabintu jirto ayaad biyaha la cabbo u isticmaali doontaa kaliya cunto karinta, cabbitaanka iyo nadaafadda uun.

Marka ay qasab tahay inaad biyaha la cabo iska karkariso

Marka laga shakisan yahay inay biyaha tuubada/qasabadu leeyihiin bakteeriya, fayrus, ama dulin keeni kara inaad jirato, ayuu maamulka degmadaadu soo rogi kartaa in biyaha la iska karkariyo. Waxa taas micnaheedu yahay in biyaha la iska karkariyo kahor inta aan la cabbin ama cunto karinta loo isticmaalin. Waa inay biyahu kar karaan ilaa ay xoog iskugu rogrogaan.

Heerkul sare   

Heerkulka sare wuxuu keeni karaa waxyeelo – gaar ahaan dadka waayeelka ah, dadka bukaanka iyo carruurta yaryar.

  • Hay’adda cimilada Iswiidhan SMHI waxay boggeeda websaydka uga digaysaa haddii ay u arkaan in heerkulku waxyeelo keeni doono,
  • Bogga websaydka ee 1177.se waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan cudurrada oo ku qoran luqado badan. Waxaad wici kartaa 1177 haddii aad su'aalo qabto.

Warbixintu waxay ka imanaysaa MSB, maamulka gobolada, SOS Alarm, Biyaha Iswiidhan, adeegga dab damiska, SMHI iyo Radiyaha Iswiidhan.