Argagixisnimo

Heerka khatarta argagixisanimada ayaa la gaadhsiiyay meel khatar ah oo sare. Waxay u dhigantaa afar marka la eego darjada shanta ah. Asal ahaan waa xaalad sii xumaanaysa oo ku saabsan hanjabaadaha weerarrada ah ee ka dhanka ah Iswiidhan. Booliiska amniga ee Iswiidhan ayaa qiimeeyey in khatartu ay sii jiri doonto muddo dheer.
Publicerades

Sida uu qabo sharciga Iswiidhan dembiga argagixisanimadu waa fal si xun u dhaawaci kara dawlada ama ururka dawlada dhexe, ujeeddadiisuna tahay inay:

  • Ku beeraan cabsi khatar leh dad ama koox dadweyne.
  • Ku qasbaan hay'adaha dawliga ah ama ururada dawlada dhexe ah inay ku dhaqaaqaan, ama ka fogaadaan inay qaadaan, tallaabo.
  • Si dhab ah u khalkhal geliyaan ama u burburinaya qaab-dhismeedka aasaasiga ah ee siyaasadeed, dastuurka, dhaqaalaha ama qaab bulsheedka. 

Qiimaynta heerka khatarta argagixisada

Xarunta qaranka ee qiimaynta khatarta argagaxisada (NCT) waxay si joogto ah u baartaa heerka khatarta argagixsada ee Iswiidhan iyo danaha Iswidhishka ee dibadda. NCT waa koox shaqo oo joogto ah oo leh shaqaale ka socda hay’adda raadiyaha ee ciidamada difaaca (FRA). Ciidanka sirdoonka iyo nabadsugidda (Must) iyo booliiska amniga (Säpo). Qiimayntu waxay ku salaysan tahay xogta laga helo saddexda hay’addood.

Heerka khatarta argagixisanimada waxa lagu saleeyaa qiimaynada istaraatiijiyadeed oo ka timaada ujeeddada jilayaasha iyo kartida ay u leeyihiin in ay geystaan weerarro argagixiso oo ka dhan ah Iswiidhan. Darajada khatarta Iswidhishka waa darajo istaraatiijiyadeed oo khatar ku ah Iswiidhan oo dhan muddo ka dib.

17 agosto 2023 heerka khatarta waxaa laga beddelay oo kor looga qaaday khatartii (3) waxaana lagu beddelay khatartii (4) iyadoo laga eegayo darjada shanta ah. Kor u qaadidu ma aha mid ay sabab u tahay dhacdo keliya laakiinse waa in loo arkaa istiraatijiyad iyo aragti fog. Kor u qaadidu waxay calaamad u tahay dhammaan jilayaasha bulshada ee ay khusayso, muhiimadda ay leedahay sii wadida shaqada si loo yareeyo khatarta weerar argaggixiso oo dhaca.

Heerka darajada khatarta  

Wax khatar ah lama aqoonsan (1)

Khatar xaddidan (2)

Khatar korodhay (3)

Khatar sare (4)

Khatar aad u saraysa (5) 

Halkee ayay khatartu ka imanaysaa

Khatarta ugu weyn ee weerarrada ka dhanka ah Iswiidhan hadda waxay u badan tahay inay ka imanayaan shakhsiyaad ay ka dambeeyaan fikiradaha xagjirka ah ee garabka midig ee rabshadaha wata ama fikiragaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha wata, sida ay qabaan Xarunta qaranka ee qiimaysa khatarta argagixisada; NVT

Sannadihii la soo dhaafay inta badan weerarrada argagixisanimada ee ka dhacayey wadamada reer galbeedka waxaa fuliyay shaqsiyaad inta badan lagu dhiirigaliyay aaladaha casriga ah ka dibna ku fuliyay weerar argagixiso.

Marku uu dhaco fal argagixisnimo

Fal argagixisnimo waxaa lala beegsan karaa dad kaligoo ama dad koox ah, waxaa lala beegsan karaa bulshada ama goobo muhiim u ah mujtamaca sida korontada ama sistemka isu socodka gaadiidka. Inkastoo falalka argagixisnimo siyaabo kala duwan loo sameyn karo, goobab kala duwanna laga fulin karo hadana waxaa jira talooyin lagu intifaaco badanaa xaaladaha kala duwan:

  • Adiga meel ammaan leh ku sugnoow oo ka fogow goobaha dadka ey ku badan yihiin.
  • Qeylo dhaan u dir booliska kuna wer geli haddii aad aragtid wax muhiim ah.
  • U dig dadka khatarta ku jira isla markaana caawi dadka u baahan.
  • Moobiilkaada codka ka demi hana wicin qof ku sugan goob ey khatar ka jirto. Codka moobiilka wuxuu kashifi karaa qof wax ka dhuumanaya.
  • Moobiilka haka wactamin haddii aadan ku qasbaneyn. Haddii uu internetka cuslaado waxaa adkaaneysa taleefannada dhambaallada muhiimka ah wada ey hawada soo mari waayaan.
  • Waxaad raacdaa talooyinka booliska, waaxda badbaadada iyo hey’adaha dowladda.
  • Hasii faafinin warbixinno aan la hubin haddii ey ahaan lahaayeen kuwo kaasoo gaaray xagga internetka ama meelo kaleba.

Buugga yar ee Haddii xaalado adag ama dagaal uu yimaado