Khatarta dabka iyo mamnuucida dabka

Had iyo jeer ka digtoonow markaad dab ka shidayso duurka - xitaa markaad isticmaalayso jikooyinka meela laysugu yimaado ee taambuugyada la dhisto (campingskök), dabka la qaadan karo ee wax lagu dubto ama goobaha dabka loogu talagalay. Marka ay abaarta tahay, waxaa aad muhiim u ah in aad si dheeraad ah uga taxaddarto. Raac talooyinka boggan si aad u yarayso khatarta ah inaad dab adigu sababto kaas oo dhaawacaya dad ama hanti. Leenka qoraalku wuxuu kuu gudbinayaa macluumaad ku qoran luqadda iswiidhish ama luqadda ngiriiska.
Publicerades

Goorma ayaa la mamnuucayaa dab shidida?

Xilliyada abaarta degmooyinka ama maamulada gobolada ayaa soo saaraya inay mamnuucaan dab shidida. Xitaa haddii aanay mamnuuc ahayn in dab la shido hadana khatarta dabka ayaa noqon karta mid saraysa. Soo ogoow in laga ogolyahay meesha aad joogto in dab laga shidi karo. Haddii aad dab shido iyadoo ay mamnuuc tahay, waa lagu ganaaxi karaa.

Haddii aanad hubin waxa khuseeya?

Booqo bogga websaydka degmada ama la xiriir adeegga dab damiska ee meesha aad joogto, Liiska degmooyinka Iswiidhan. 

Mamnuucida dab dhidida iyo mamnuucida dab shidada la adkeeyey - waa maxay faraqa u dhexeeyaa?

Waxaa jira laba heer:

Markay tahay mamnuucid dab shidid, laguuma ogola adiga inaad dab ka shido meel u dhow kaynta/duurka iyo dhulka. Laakiin waa la ogolyahay in aad wax ku dubato dhulka aad adigu leedahay ama wax la mid ah iyo meelaha loogu talagalay ee diyaarsan ee laga heli karo meelaha guud ee caamka ah qaarkood.

Markay tahay mamnuucid dab shidida la adkeeyey, waa mamnuuc in wax lagu dubto meelaha joogtada ah ee guud ee caamka ah qaarkood. Waa laguu ogolyahay inaad dab ka shido dhulka aad adigu leedahay si aad wax ugu dubato ama wax la mid ah, waa haddii aad u samayso si badbaado leh iyada oo aanay khatarta dabku fidin oo keliya.

Bogga Krisinformation.se waxaa ku yaala khariidad muujinaysa meelaha dab shididu ka mamnuuca tahay . Dab shididu waa ka mamnuuc meelaha midabkoodu guduudka ama liimiga/oranjiga yahay.

Hubi khatarta dabka

Haddii dabku faafo - wac 112

Haddii dabku sii faafo markaad dabka shido, waa inaad isla markiiba wacdaa 112. Haddii sida ugu dhakhsaha badan ay adeegga dab damisku ku ogaadaan inuu dab kacay, way u fududaanaysaa inay damiyaan dabka.

Macluumaadka khadka telefoonka: 113 13

Haddii ay dhacaan shilal halis ah, waxaa muhiim ah in la raaco warbixinta booliiska. Adeegga dab damiska iyo baaqyada hay’addaha kale

  •  Wac 113 13 haddii aad wax su'aalo ah ka qabto xaaladaha adag.
  • Macluumaad dhowr luqadood ka qoran ayaa laga heli karaa kanaalka luqaddaha qalaad ee Raadiyaha Iswiidhan:

Ku saabsan ogeysiisyada Muhiimka ah

Haddii dabku khatar geliyo nolosha iyo caafimaadka dadka, hogaamiyaha dab damiska ayaa soo saari kara fariin muhiim ah oo ku socota dadweynaha

Waxaa lagu soo gudbiyaa iyadoo la adeegsanayo

  • Raadiyaha iyo telefishinka qaranka
  • warbaahinta kale iyo
  • bogga Krisinformation.se.

Digniintu waxay kuugu imanaysaa SMS ahaan telefoonkaaga haddii aad joogto meesha uu dabku ka kacay.

Halkan ayaad ka akhrisan kartaa warbixin badan oo ku saabsan fariimo muhiim ah

Heerkul sare   

Heerkulka sare wuxuu keeni karaa waxyeelo – gaar ahaan dadka waayeelka ah, dadka bukaanka iyo carruurta yaryar.

  • Hay’adda cimilada Iswiidhan SMHI waxay boggeeda websaydka uga digaysaa haddii ay u arkaan in heerkulku waxyeelo keeni doono,
  • Bogga websaydka ee 1177.se waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan cudurrada oo ku qoran luqado badan. Waxaad wici kartaa 1177 haddii aad su'aalo qabto.

Mamnuucida waraabka  

Haddii ay muddo dheer abaar noqoto, waxaa jirta khatar ah inay biyo yaraani ka dhacdo goob ama meel. Sidaa daraadeed degmadu waxay soo saari kartaa mamnuucida waraabinta, tusaale ahaan mamnuucida waraabka.

Boogga Krisinformation.se waxaad ka heli kartaa khariidad ay ku qoran yihiin macluumaad ku saabsan degmooyinka soo saaray mamnuucida waraabka .

Ka fogow meelaha gubtay

Markuu dab kaco kadib, waxay noqon kartaa khatar in la maro meeshii gubatay. Geeduhu way soo dhici karaan iyagoo dab leh oo dhulka ayey muddo dheer ooli karaan marka dabka la damiyo kadib.

Warbixintu waxay ka imanaysaa MSB, maamulka gobolada, SOS Alarm, Biyaha Iswiidhan, adeegga dab damiska, SMHI iyo Radiyaha Iswiidhan.