Iska hubinta macluumaadka (somaliska)

Iska hubinta macluumaadka way adagtahay Inkastoo ay adagtahay haddana waxaa jira waxyaabo badan oo qofku samayn karo si loo horumariyo iska hubinta macluumaadka. Waxaa jira qaabab keena in la yareeyo khatarta ah in lagu khiyaameeyo. Mid ka mid ah talooyinka ugu muhiimsan waa in laga taxaddaro in la fidiyo macluumaad, haddii qofku aanu hubin in lagu kalsoonaan karo.
Uppdaterades
Att vara källkritisk innebär att värdera den information man tar del av.

In la iska hubiyo macluumaadka micnaheedu waa in la darso macluumaadka uu qofku qaadanayo.  Tani micnaheedu waa in la fahmo in ilaha wararka qaarkood ku kalsoonaantoodu ka sareyso qaar kale, in laga warhayo in qofka macluumaadkan soo gudbinayaa leeyahay ujeedo.   Xitaa qoraalkani wuxuu leeyahay ujeedo, in la kordhiyo aqoonta ku saabsan iska hubinta macluumaadka. 

Dareemada xoogan waxay adkeeyaan iska hubinta macluumaadka

Waa wax si fiican loo ogyahay in dareemada xoogan ay inagu adkeeyaan inaynu ka fikirno iska hubinta macluumaadka si macquul ah.  Tani waxaa ka faa’iideysta dadka sameeya wararka beenta ah iyagoo bixiya sawir ah xaalado baqdin leh iyo inay isticmaalaan sawiro dareenka kicinaya. 

Si loo kashifo wararka beenta ah waa inaynu raadino qofka soo gudbinaya ujeedooyinkiisa.  In keli ahaan la qiimeeyo heerka ay run tahay ma inagu filna.  Kuwa abuura wararka beenta ah ma laha ujeedo ah inay ogaadaan waxa run ahaan dhacay.  Wararka beenta ahi waxay leeyihiin ujeedooyin kale, tusaale ahaan in dadka isticmaalaya lagu soo jiido xayeeysiis, la socodsiiyo jiho siyaasadeed oo gaar ah ama in la yareeyo shacbigu aaminaada uu u hayo bulshada.

Faafi macluumaadka lagu kalsoonaan karo

War been ah way ku jiri karaan macluumaad run ah.  Tani waxaa tusaale ahaan sal u ahaan karta dhacdo run ahaantii dhacday laakiin meesha laga saaray xaqiiqooyin muhiim ah qaarkood ama la bixiyo sharaxaad dhacdadan ah oo been ah.

War run ahna way ku jiri karaan qaladaad, tusaale ahaan tirakoob loo turjumay qaab saluug leh ama in qof la wareystay si qalad ah hadalkooda loo sheegay.  Si kastaba ujeedada warkan waa in laga sheekeeyo wixi run ahaan dhacay, maadaama qaladaadka jiri kara aan loo samayn si kas ah.

Guud ahaan waxaynu aaminaa saaxibadeen.  In macluumaad aan run ahayn lagu sii qaybiyo baraha bulshada ma faafiso oo keliya been, waxay macluumaadkan ka dhigtaa mid culus maadaama qofka kuu soo gudbiyay yahay qof saaxiib ah.  

Liistada iska hubinta:

  • Waa ayo cidda macluumaadka ka danbeeya? Miyaad heli kartaa isha asal ahaan laga soo qaatey?
  • Ayaa ka faa'iideysanaaya inaad sii fidiso?
  • Waa maxay sababata uu macluumaadku u jiraa? Ujeedkiisu ma waxa weeye in la bedelo sida aad u fikirayso iyo ficilkaaga?
  • Waa immisa jir macluumaadku? Miyuu wali sii shaqeynayaa?
  • Halkee ayaad macluumaadka ka heshay? Ma waxa uu ka yimid ilo lagu kalsoon yahay oo hore u soo saaray macluumaad la xaqiijiyay?
  • Hubi inaad macluumaadka ilo kale ka heli kartid. Waa in macluumaadka hal meel oo kaliya laga helo si taxadir leh loogu eegaa.
  • Raadso macluumaad aan xaqiijinaynin ra'yigaaga aad hadda qabtid. Sidaas ayaad iskaga ilaalinaysaa inaad raadsato uun macluumaadka xoojinaaya aragtidaada hadda.